Nabadoonada Hawiye oo la saftay Xasan Sheikh & hanjabaado loo jeediyay mooshin wadayaasha

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa faraha kasii baxaayo Hanjabaado ay Odayaasha Beelaha Hawiye u jeedinayaan Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, kadib markii Madaxweynaha uu ka gudbiyay dacwad.

Madaxweyne Xassan ayaa Odayaasha iyo Nabadoonada Beelaha Hawiye ugu yeeray inay wax ka bedelaan Mooshinka ay wadaan Xildhibaanada ay iyaga soo xusheen hadii taasi la waayana uu adeegsan doono awoodiisa.

Madaxweyne Xassan ayaa Nabadoonada iyo Odayaasha ku wargaliyay in Mooshinka ay ololinayaan Shaqsiyaadka ay soo xusheen loona baahan yahay inay kala hadlaan arrimaha Mooshinka, si loo qaboojiyo Xasarada taagan.

Sidoo kale, Odayaashan waxay ku goodiyeen in ay tallaabo ka qaadi doonaan xildhibaano ay sheegeen inay ka dambeeyaan waxay ugu yeereen dacaayadaha iyo Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha.

Waxaa kaloo ay sheegeen in ay yaqaanaan qabiilada iyo lafta ay ka soo jeedaan Xildhibaanadaasi, iyo weliba magacyadooda, islamarkaana ay tallaabada ku haboon ka qaadi doonaan xiliyada nagu soo aadan.

Mid ka mid ah Nabadoonada ayaa si dadban u sheegay in ay la socdaan ragaasi cida soo dirtay, asaga oo ku gaabsaday maamul goboleedyada qaarkood, wuxuuna sheegay in ay meel dhow ka joogto, carana uu bastii la yahay.

Nabadoonada fariintaasi diray ayaa waxaa kamid ah afhayeenka golaha midnimada beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo sheegay inaysan aqbali doonin in Madaxweyne Xassan laga keeno Mooshin hadana loogu hanjabo in xilka laga tuuri doono.

Sidoo kale, Nabadoonada ka soo horjeestay Mooshinka ee Hanjabaada u jeediyay Mooshin wadayaasha ayaa waxaa kamid ah Nabadoon Xaad oo isaguna sheegay in wado qaldan loo maraayo Mooshinka Xassan Sheekh waxa uuna farta ku goday inaysan qaadan doonin in Xassan Sheekh iyo Dowladiisu la laalo.

Dhanka kale, Xildhibaanada Mooshinka wada ayay ugu baaqen in Mooshinkooda ay ku xaliyaan wada hadal islamarkaana ay adeecaan Madaxweyne Xassan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com