Jawaari oo ka careysiiyey maamul goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa waxa uu maanta sheegay inaanan Dowlad Goboleedyo loogu yeeri karin Maamul Goboleedyada, marka laga soo taggo Puntland.

Gudoomiyaha, ayaa sheegay aragtida Baarlamaanka ee Dastuurka inaanu ogolayn in Dowlad Goboleedyo loogu yeero Maamulada hadda dhistay, Puntlandna ay tahay mid dhisantay Dastuurka ka hor.

“Anaga aragtidayada Baarlamaanka oo Dastuur ahaan u hadleeno, wax la yiraahdo Dowlad Goboleed majiraan sharciyan, aan ka ahayn Puntland oo ka horeysay Dastuurkani intaan la samaynin.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya.

Waxa kaloo uu yiri “Anaga aragtidayada Baarlamaanka oo Dastuur ahaan u hadleeno, wax la yiraahdo Dowlad Goboleed majiraan sharciyan, aan ka ahayn Puntland oo ka horeysay Dastuurkani intaan la samaynin.”

Jawaari oo ka hadlaayay shir maanta ka furmay Magaalada Muqdisho, dib u eegisna loogu samaynaayo Dastuurka Federalka Somaliya, ayaa tilmaamay inay muhiim tahay ku dhaqanka Dastuurka.

Dadka Somaliyeed, ayaa qaarkood wax layaab leh ku sheegay in Dowlado loogu yeero Maamul Goboleedyada, waxayna jeclaan lahaayen in Maamulada loogu yeero oo keliya (Maamul Goboleedyo).

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com