Golaha wasiirada GALMUDUG oo la ansixiyay.!!

Cadaado (Muqdisho) – Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay liiska golaha wasiirada maamulka Galmudug oo uu soo dhisay madaxweynaha maamulkaasi C/kariin Xuseen Guuleed.

Kulanka oo ay yeesheen xubnaha baarlamaanka Galmudug, ayaa waxaa lagu ansixiyay liiska golaha wasiirada maamulka Galmudug ee uu dhawaan soo dhisay madaxweynaha Galmudug.

Xildhibaanada ayaa la sheegay iney cod gacan taag ah ku ansixiyeen xildhibanada, waxaana xaadir aheyd kulanka maanta 69 xildhibaan.

Inka badan 65 xildhibaan ayaa ansixiyay liiska golaha wasiirada maamulka Galmudug, waxayna kusoo aadeysaa iyadoo ay jiraan dad badan oo dhaliilsan wasiirada.

Gudoomiyaha barlamaanka maamulka Galmudug iyo ku xigeenkiisa ayaanan codeynin, sida aan wararka ku heleyno waxaase natiijada ku dhawaaqay gudoomiyaha barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Xildhibaano kale oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo aan kulanka manta xaadirin ayaa kasoo horjeda qaabka loosoo xulay golaha wasiirada Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com