Guuleed oo carrooday, damacsan qorshe cusub

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa ka carooday tallaabada ay golahiisa wasiirada kaga hor yimaadeen xildhibaanada baarlaaanka Galmudug “BG, kadib markii shalay inka badan 30 xildhibaan ay ku shireen magalada Cadaado.

Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug “BG” ayaa waxay ku eedeeyeen madaxweynaha Galmudug inuu jibiyay qodob dastuuri ah, iyagoo sheegay ineysan ansixin doonin wasiirada cusub ee madaxweyne Guuleed soo dhisay.

Wararka aan ka heleyno magaalada Cadaado ayaa sheegaya in madaxweyne Guuleed uu falkaasi ka carooday uuna bilaabay qorshe kale oo lagu qancinayo xildhibaanada kasoo horjeestay golaha wasiirada cusub ee uu habeen ka hor soo dhisay.

Waxaa magaalada ka bilowday kulamo kala duwan oo ay yeelanayaan xubno madaxweynaha aad ugu dhow iyo xildhibaanada shalay ku shiray magaalada Cadaado, waxaana la isku fahmi la yahay qancin la’aanta xildhibaanada qaarkood.

Xog aan heleyno ayaa sheegaya in dhamaan xildhibaanada shalay kulmay ay ahayeen kuwo ka careysanaa in beelaha ay kasoo jeedaan xaq buuxa aan laga siinin wasiirada cusub halka beelaha qaarkood afar ilaa seddex wasiir laga siiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com