Cumar C/rashiid iyo Axmed Madoobe oo 2 qodob ku heshiiyey

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali oo maanta socdaal gaaban ku tegay magaalada Kismaayo ayaa kulan wadahadal ah la yeeshay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyadoo labada dhinaca ay ka wadahadaleen arrinta muranku ka taagnaa ee Baarlamaanka Jubba.

Gabagabadii wahadalka labada dhinac oo ay ka qeyb galeen wasiiro ka socday xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu heshiiyay laba qodob oo kala ah:

1  – In la bilaabo xalinta cabashadii ka taagneyd dhismaha Baarlamaanka Jubba, iyadoo cid waliba oo cabasho qabta maamulka Jubba uu balan qaaday inuu qanciyo.

2 – In Guddiyada labada dhinac ay ka shaqo bilaabaan Kismaayo si arrinta loo bilaabo.

Cumar C/rashiid iyo Axmed Madoobe oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay isla garteen in xal loo helo cabashada ka taagan Baarlamaanka Jubba iyadoo aan la soo hadal qaadin sharcinimada doorashada Axmed Madoobe ee Baarlamaankaasi uu doortay.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com