Osama Bin Ladin oo la sheegay inuu nool yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sir faafiyihii ka goostay Hay’adda Amaanka Qaranka dalka Mareykanka Edward Snowden ayaa shaaciyay xogo muujineysa in wali uu noolyahay madaxii hore ee Al-qacida Usama Bin laden oo Dowlada Mareykanka sheegtay inay kharijisay.

Edward Snowden, ayaa sheegay in Usama Bin ladin uu yahay mid wali nool, balse ay Dowlada Mareykanka dafireyso noloshiisa, iyada oo u cuskaneysa walaaca uu abuuri karo hadal heynta Bin ladin.

Wargeyska Moscow Tribune ayaa faafiyay xogtaasi kadib markii uu xog uruurin la sameeyay Edward Snowden oo si aad ah ay u baadi goobayaan Sirdoonka Mareykanka.

Edward Snowden wuxuu sheegay in Warkii horey ee uu sheegay Mareykanka ee ahaa inay dileen Osama Bin Laden uu ahaa mid lagu dheelsiinaayo Caalamka, waxa uuna sabab uga dhigay in Dowlada Mareykanka ay xili waliba tahay mid ku hamineysa soo afmeerida adeegsiga magaca Usama oo qalqal ku abuuray Caalamka.

Sirdoonkaani baxsadka ah ayaa tilmaamay in Bin laadin iyo xaasaskiisa ay ku raaxeysanayaan Bahamas, oo ah Jaziiradda ku taalla Qaaradda Mareykanka, waxa uuna Lacag ka qaataa Hay’adda Sirdoonka Mareykanka CIA, sida uu Edward Snowden xogta ku sheegay.

Edward Snowden, ayaa sheegay in CIA Mareykaanka ay siiso Osama Bin Laden lacag dhan $100,000 oo Doolarka Mareykanak Bil kasta, taasi oo mariyo akownkiisa Nassau bank account.

Edward Snowden oo bidhaaminaayay deegaanka iyo nolosha Bin laadin waxa uu yiri “Ma hubo Guri iyo Xaafadda rasmi ah ee uu hadda ku nool yahay Osama Bin Laden, balse waxaan ogahay inuu 2013-kii ku noolaa Dalka Bahamas isaga iyo caruurtiisa,”

Dhinaca kale, Mr Edward Snowden ayaa sidoo kale sheegay in CIA-da Mareykanka ay baahiyeen Warka beenta ah ee ku saabsan geerida Osama oo Neavy Seals ay ku dileen Pakistan 2011.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com