Aadan Barre Ducale oo lagu eedeeyay in carruur agoon ah uu siiyey cunto dhacday

Nairobi (Caasimadda Online) – Aadan Barre Ducaale oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya ayaa lagu eedeeyey inuu cunto dhacday siisay carruur ku jirtay xero agoon ah oo ku taalo Magaalada Gaarisa ee ismaamulka Soomaalida.

Ciidamada Booliska qeybta dambi baarista ayaa u yeeray Aadan Barre Ducaale kadib markii loo gudbiyey eedeyn ku aadan inuu cunto dhacday siiyey ilmo agoon ah sida lagu daabacay Wargeysk Daily Nation ee kasoo baxo dalka Kenya.

Aadan Barre Ducaale ayaa eedeynta loo soo jeediyey ee ah inuu cunto dhacday siiyey ilmo agoon ah  ku tilmaamay inay tahay mid been abuur ah oo la doonayo in lagu dilo sumcadiisa.

Aadan Barre ayaa sheegay inuu taleefoon kala hadlay Taliyaha Booliska Wajeer uuna u sheegay inaysan waxba ka jirin eedeynta loo soo jeediyey.

Eedda loo soo jeediyey Aadan Barre Ducaale ayaa kusoo aadeyso xilli uu 15 sano kadib markii ugu horeysay booqday xarun lagu xanaaneeyo carruurta oo taalo Magaalada Gaarisa isagoo u qebiyey deeq raashin ah.