Warbiixn: Sababta keentay in shirkada Jambojet ay joojiso duulimaadyadii Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirkadda Diyaaradaha ee Jambojet oo ah shirkad laga leeyahay dalka Kenya ayaa gebi ahaanba joojisay duulimaadyadii ay ku imaan jirtay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde International Airport.

Shirkadda ayaa ku sheegtay sababta ay u joojisay duulimaadyada inay Dowladda Soomaaliya u diiday duulimaadyo ay subixii hore dooneysay inay ku timaado Garoonka Aadan Cadde.

Madaxa Guud ee Fulinta Shirkadda Jambojet, Allan Kilavuka ayaa sheegay in qorshaha shirkadda ay aheyd inay 6-da subaxnimo kasoo duusho Garoonka Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi isla markaasna ay duulimaad kale 9-ka subaxnimo uga baxdo Muqdisho.

Allan Kilavuka ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay fursadaan siin waayeen isla markaasna looga baxay ballanqaadyo badan oo ku aadan in loo ogolaan doono duulimaad subaxii hore.

Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, Maamulka Garoonka Aadan Cadde ayaa Shirkadda Jambojet ku wargeliyey inuusan waqtigaas garoonka firaaqo aheyn isla markaasna kaliya loo heli karo duulimaadyo duhurkii ah.

Bishii November ee sanadkii hore ayey aheyd inay shirkadaan bilowdo duulimaadyadeeda Muqdisho balse waxaa dib loo dhigay ilaa bilowga sanadkaan, waxayna hadda shirkadda ku dhawaaqday inay gebi ahaanba joojisay duulimaadyadii Muqdisho iyo Nairobi.

Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya weli kama hadlin warkaan kasoo baxay Shirkadda Diyaaradaha Jambojet ee laga leeyahay dalka Kenya, kaas oo ku aadan inay joojiyaan duulimaadyadii diyaaradahooda ku imaan jireen muqdisho.