Aadan Ducaale iyo Farax Macalin oo Somalida Islii la saftay (Daawo Video)

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya dhibaatooyinka loo geysanayo dadka Soomaaliyeed ee kunool xaafadaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii howlgalo ay ka sameeyeen dalkaasi ciidamada Kenya.

Xildhibaanada baarlamaanka Kenya ku jira ee laga soo doorto deegaanada ay dagaan dadka Soomaaliyeed ayaa si caro leh kaga hadlay dhibaatooyinka loo geysanayo Soomaalida dalkaasi.

Aadan Barre Ducaale oo kamid ah xildhibaanada laga soo doorto deegaanada Soomaalida kana tirsan baarlamaanka dalka Kenya ayaa sheegay inuu matalo shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan ka imaaday Gaarisa, waxaan ahay Xildhibaan Soomaali oo idil xildhibaan u ah, waxaan idiin sheegayaa wadankaan Laaji kuma dihiin, idinkaa iska leh”ayuu yiri xildhibaan Aadan Ducaale.

Dhanka kale xildhibaan Faarax Macalin Ku xigeenka afhayeenkii baarlamaanka dalka Kenya ayaa dhankiisa arin lala yaabo ku tilmaamay bartilmaameydsiga Soomaalida ku nool dalka Kenya.

“Waxa la yaableh oo anagana na dhibeysa, waxii ka dhaca kenya Soomaalida kaliya ayaa la eeganaya, dad kale ayaa halkaan ku sugan oo dalal kale ka yimid”ayuu yiri xildhibaan Faarax Macalin.

Halkan ka daawo xildhibaan Aadan Barre Ducaale

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com