SHAQAALAHA Qaramada Midoobay oo billaabay inay isaga baxaan Puntland

Gaalkacyo(Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo waxaa ka tagtay labo diyaaradood oo midkood loogu talo galay inay Magaalada kasoo qaato meydadka ajaaniibtii shalay lagu dilay garoonka magaalada Gaalkacyo.

Diyaarada oo aheyd mid qaas ah ayaa waxay maanta magaalada Gaalkacyo ka qaatay labadii ajaaniibta ahaa ee la dilay, waxaana la sheegay in la geynayo dalalka ay u kala dhasheen dadkaasi la dilay.

Wararka aan Gaalkacyo ka helayno ayaa sheegaya in diyaarad kale oo siday shaqaale kale oo ka tirsan Qaramada Midoobay ay kasoo tagtay garoonka Gaalkacyo kuwaasi oo laga soo qaaday magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ee maamulka Puntland.

Cabdi Qani Saciid oo ah sarkaal sare oo ka tirsan saraakiisha Garoonka ka howlgalka ayaa xaqiijiyay in shaqaale ajaaniib ah oo ka tirsan QM ay kuwaasi oo baqdin darteed dib loogu maanta dalka Kenya.

“Muddo saacado ka hor ayay diyaarada ay soo caga dhigatay, diyaarad kale ayaa shaqaale kale kasoo qaaday Garoowe iyo Boosaaso, Nairobi ayaa loo qaaday”sidaasi waxaa yiri Cabdi Qani Saciid.

“Shaqaalaha waxay sheegeen baqdin inay ka muujiyeen amaanka, anagana waan u sheegnay falkaan waa mid aan ku talo gal aheyn” sidaasi ayuu hadalkiisa kusii daray Mr Saciid.

Arintaan ayaa waxay muujinaysaa inay hoos u dhac ku yimaado howlihii shaqaalaha Qaramada Midoobay ay ka wadeen deegaanada maamulka Puntland, waxii ka dambeeyay dilkii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Caasimada@live.com