Arrin naxdin leh oo laga soo sheegay Soomaalida ku xiran Kazarani, Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalladda Nairobi ayaa waxay sheegayaan inay Soomaalida ku xiran Garoonka Kazarani Stadium la soo gudboonaatay xaallado aad u adag.

Mid ka mid ah Guddiga Haweenka ee isku xil-qaamay kaalmo-gaarsiinta Kumanaanka Soomaalida ku xiran magaalladda Nairobi ayaa goor dhow inuu xaqiijisay inay dadka ku xiran Garoonka Kazarani ay baahi xun la soo deristay, iyadoo aysan jirin wax kaalmo ah oo ay Dowladda Kenya ama Laanqayrta Cas ee Kenya gaarsiiyaan dadkaasi.

Inta badan dadka ku jira halkaasi ayaa waxay ku tiirsan yihiin cunto ay soo kariyaan Haween Soomaali oo Muxsiniin ah, kuwaasi oo cunto karsan iyo daawooyin iyo dhar ugu deeqa dadka Soomaalida ee ku kala xiran Saldhigyadda Boliska Pangaani, Kazarani iyo Garoonka K/cagta ee Kazarani.

Qaar ka mid ah dadka ku xiran Garoonkaasi ayaa itaal gabay, kadib, markii ay la soo gudboonaatay nafaqo-darro iyo cunto-yari, waxaana u sii dheer qabow, dhaxan iyo hurdo la’aan.

Guddiga Samafalka ee dadkaasi gargaarka u fidinayo ayaa ugu baaqay Soomaalida ku nool gudaha Nairobi iyo Caalamka inay gacan ka geystaan sidii Kumanaanka Soomaalida ku xiran Nairobi loo kaalmeyn lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com