Dhageyso: Fowsiya Yuusuf oo runta ka sheegtay xaqiiqda DF Soomaaliya

Wasiiradii hore ee Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa waxay maanta daboolka ka qaaday in Dowladda hadda mataleysa Somaliya, aynaan lahayd wax awood ah,oo ay wax ku qabato.

Wasiiradii hore, ayaa ku warameysa in Dowladdu ay ahayd in ay xoogga saarto Safaaradaha Dibadda ee Soomaaliya ku lee dahay, si loogu gurmado dadka Somaliyeed ee Caalamka ku tabaaleysan.

Waxay qirtay in Soomaalida ay ku dhibaateysan tahay dalalka dunida ku yaala oo idil, isla-markaana aan la soo koobi karin rafaadka ay kala kulmayaan Xabsiyada dalalkaasi ku yaala.

Mudadii ay Xafiiska Shaqada joogtay, ayay sheegtay in uu qorshahoodu ahaa in sanadkaan 2014-ka xoogga la saaro, sidii loo xoojin lahaa Safaaradaha Somaliya ay ku lee dahay Caalamka, si wax loogu qabto kuwa Xabsiyada ku dhibaateysan.

Waxay soo hadalqaaday in Soomaaliya ay lee dahay Kheyraad badan, dalkuna uu ku fadhiyo qiimo weyn, hase ahaatee ay Soomaalidu noqotay mid ka gudbi la’ qabyaalada.

Sidoo kale waxay sheegtay in dalka Soomaaliya ay ku hareereysan yihiin dalal, ay dadkoodu gaarayaan 3 boqol oo milyan oo ruux, isla-markaana loo cabsi qabo tobanka sano ee soo socda, 10-ka bilyan ee Soomaalida, haddii aynaan Soomaalidu isu tashan.

Marwo Foosiya Yuusuf, ayaa waxay kaloo soo hadalqaaday dhibaatada xilligaan loo geysanaayo Somalida ku nool dalka Kenya, waxaynta xustay in dayac badan uu ka jiro Kenya.

Foosiya Yuusuf waxay sheegtay in dayaca ka jira dalka Kenya uu yimid, markii dalka Kenya uu ku baahay dhibaatada xilligaan ka jirta dalka Somaliya, ayna sababteedu lee dahay in Kenya ay Soomaalida ku soo laba kacleyso.

Ugu dambeen waxay sheegtay in Kenya aysan nabad noqon doonin ilaa ay Somaliya ka xasileyso, dadkeenana ka dhaafi doonin waxa ay ku heyso. Waxayna xalka ku sheegtay Soomaalida oo dib isugu laabato.

Hadalkaan, ayay ka sheegtay Dood Wadaag maanta lagu qabtay Hotel Jaziira ee Magaalada Muqdisho ee dhageyso

Isha: Dhacdo.com