Aadan Madobe oo shaaciyay sababta uu u fashiliyey qorshihii Lafta-gareen

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa maalintii labaad wada diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta xubnaha xildhibaanada ah ee dhawaan la soo doortay, si loo sii amba qaado howlaha dhammeystirka doorashada dalka.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa kamid ahaa Xildhibaanada maanta qaatay shahaadada ee laga soo doortay Koonfur Galbeed Soomaaliya, isaga oo jebiyey isbaaradii uu Lafta-gareen u dhigtay shahaado siinta xildhibaanada.

Qaadashada shahaadada ee Aadan Madoobe ayaa fashilisay qorshe uu Lafta-gareen buuq iyo muran cusub ku gelin lahaa doorashada, taasi oo dib u dhac horleh u horseedi laheyd dhameystirka doorashada.

Aadan Madoobe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shahaadada Xildhibaanimo uu u qaatay si uusan dib u dhac kale ugu imaan doorashada dalka, uuna qeyb uga noqon arrintaas.

“Aniga ka Aadan Madoobe ahaan marnaba weligay ma sameyna haddana lagama yaabo in dhibaato Soomaaliya wax u dhimeyso nidaamka iyo dowladnimadeeda marnaba horseed u noqon maayo,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu usoo jeediyay Xildhibaanada laga soo doortay Koonfur Galbeed inay qaatan shahaadooyinkooda, islamarkaana ay raacan nidaamka iyo hanaanka doorasahda lagu heshiiyay.

“Xildhibaanimada waajib culus ayaa la saaray waa inay gutaan. Waxaa ku boorinaya inay ka fiirsadaan arrintaas oo shahaadooyinka xaqa u leeyihiin qaatan.”

Sheekh Aadan Madoobe ayaa wax aan la ogolaan karin ku tilmaamay in shaqsi gaar ah dantiisa loo hor istaago waajibaadkii dastuuriga ahaa.

“Walaalkiin idinka weyn ayaa ahey waxaa rabaa in dhamaantiin aad qaadatiin oo aan wada fadhiisano oo umadeena bad-baadeeda usoo wada jeesano ayaa idinka filaya.”

Si kastaba, Sheekh Aadan Madoobe ayaa hore u shaaciyay inuu u taagan xilka guddoonka Golaha Shacabka, wuxuuna hadda si adag uga horyimid qorshaha uu maamulka Koonfur Galbeed ku doonayo in uu ku wiiqo tallaabooyinka guddiga FEIT ee dhameystirka doorashada.