Somaliland oo war kasoo saartay wada-hadallo uu Muuse Biixi la yeeshay Rooble iyo Farmaajo

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxtooyada Somaliland ayaa caawa markii ugu horeysay baahisay wadahadal taleefoon oo madaxweyne Muuse Biixi uu la yeeshay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Muuse Biixi ayaa Farmaajo, Rooble iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyey sida ay uga xumaadeen dhibaatadii ka dhalatay dadkii laba habeen ka hor ka kacay suuqa ugu weyn Hargeysa ee Waaheen.

Qoraalkii koowaad ee ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu u mahad-celinayaa Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, oo khadka telefoonka uga soo tacsiyeeyey Shacabka Somaliland dhibkii soo gaadhay Suuqa Hargeysa.”

Sidoo kale qoraal labaad oo ay madaxtooyada Somaliland soo saartay ayaa lagu yiri, “Madaxaweynaha JSL waxa uu sidoo kale u mahad-celinayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khadka telefoonka ka soo tacsiyeeyay shacabka Somaliland. Waxa uu sidoo kale Madaxweynuhu bogaadinayaa Shacabka Soomaaliya oo ka xumaaday khasaarihii gaadhay Suuqa Hargeysa.”

Dhankiisa qoraal uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble wuxuu ku sheegay in khadka telefoonka uu kula hadlay Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isagoo la wadaagay sida uu uga xanuunsaday musiibadii ka dhacday Hargeysa, sidoo kalena u muujiyay “sida uu u garab taaganyahay.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa galabta amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 (Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta dowladda Soomaaliya, laguna wareejiyo Somaliland.

Lacagtaas ayaa ah deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda hormarinta Somaliland, oo ay haysay dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu cadeeyey xafiiska Rooble.

Sidoo kale Rooble wuxuu galabta shir deg deg ah isugu yeeray guddoomiyaha bankiga dhexe iyo ganacsatada Soomaaliyeed eek u nool Muqdisho, waxaana kulankaas gabagabadiisii looga dhawaaqay inay gacan ka geysanayaan gurmadka khasaaraha ka dhashay dabkii suuqa Hargeysa.

Ganacsatada ayaa ku yaboohday laba milyan oo dollar, halka Ra’iisul Wasaare Rooble uu sheegay in hal milyan oo kale  ay xukuumadu bixineyso, waxayna wadarta guud ee lacagta dowladda federaalka iyo ganacsatada ay u qorsheeyeen Somaliland ay noqoneysaa 14,700,000 (Afar iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Dollar).