Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay guddiga saaxibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti.
Guddigan ayaa ka shaqeyn doona kor u qaadista xiriirka ka dhaxeeya labada Baarlamaan ee labadaasi dal, xilli uu wanaagsan yahay xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
“Guddoomiyaha markuu arkay qodobka 14-aad faqradda 6-aad ee xeer hoosaadka Golaha Shacabka oo dhigaya in guddoomiyaha yahay xiriiriyaha Baarlamaannada Adduunka in ay muhiim tahay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya xiriir saaxiibtinimo iyo is-kaashi la yeesho Baarlamaannada Caalamka, waxa uu magacaabay xubnaha guddiga saaxiibtinimada Golaha Shacabka BFS iyo Baarlamaanka dalka Jabuuti.”
Xubnaha guddigan oo shan xubnood ah ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Xildhibaan Cabdalla Xuseen Cali, ayada oo xubno ay ka yihiin; Xildhibaan Axmed Cabdi Xaashi (Taajir) iyo Xildhibaan Seynab Maxamed Caamir.
Sidoo kale waxaa xubnaha guddigaan kamid ah Xildhibaan Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Dhurre (Yariisow) iyo Xildhibaan Shamso Xasan Cilmi, sida ku cad warqadda magacaabista ee kasoo baxday xafiiskaaga guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa waxa uu faray Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka in magacaabiddan u gudbiyo safaaradda Jabuuti ay ku leedahay Soomaaliya, si safaaradda ay ugu sii gudbiso Guddoomiyaha Baarlamaanka ee dalka Jabuuti.
“Magacaabiddan waxay dhaqan-galeysaa marka uu saxiixo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuuna saxiixay.”
Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan, ayada oo kaalin weyn ka soo qaadatay dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya kadib bur-burkii dalka, waxay sidoo kale qeyb ka tahay howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM).