Jowhar (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle ayaa bilaabay abaabulka dagaal culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee ku sugan galbeedka gobolka Shabeellaha Dhexe, si looga xoreeyo deegaannadaasi, si la mid ah Puntland oo iska xoreyneysa kooxda Daacish.
Abaabulka ayaa xoogiisu ka socdaa duleedka magaalada Jowhar, halkaas oo la isugu geeyay ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo loo diyaariyay inay xoreeyaan degmada Gamboole iyo deegaannada u dhow ee gobolkaasi.
Mas’uul ka tirsan HirShabelle iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa dhiirogelin ugu tegay ciidamadaasi, si ay ugu boggaadiyaan la dagaallanka kooxaha argagixisada ah ee ku sugan halkaasi.
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta HirShabelle, Xildhibaan Cali Cismaan Ibraahim, oo ka mid ah mas’uuliyiinta tegay jiidda hore ee dagaalka, ayaa ka warbixiyay abaabulka dagaal ee ka socda galbeedka gobolka Shabeellaha Dhexe, isaga oo sheegay in socdaalkooda uu kusoo dhammaaday si guul ah.
“Kormeerkeenna wuxuu ku saabsanaa amni sugid iyo xoojinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta. Safarkeenna si guul ah ayuu kusoo dhammaaday, Khawaarijtana waa sii dhammeystireynaa,” ayuu yiri wasiirku.
Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xarriiqay in saacadaha soo socda ay dhaqaaqi doonaan ciidamada, isla markaana ay gaari doonaan degmada Gamboole oo haatan wax yar u jirta, si looga xoreeyo kooxda Al-Shabaab.
“Degmada Gamboole hadda waxay noo jirtaa wax ka yar 15 km. Ilaahey idinkiis waan tegi doonaa waqtiyada soo socda iyo saacadaha nagu soo aaddan, insha’Allah,” ayuu sii raaciyay.
HirShabelle ayaa noqoneysa maamul-goboleedkii labaad ee abaabula dagaal ka dhan ah argagixisada, waxaana dagaalkan la mid ah uu haatan ka socdaa Puntland oo howl-gallo ka dhan ah kooxda Daacish ka wadda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.