Abaabulka uu wado R/W Abiy Ahmed oo lagu cirib tirayo dalka Soomaaliya

Soomaaliya kama mid aha dalalka Africa ee isku tashtay kuwaa oo sameeyay  isbadal xoog leh iyagoo u midooway ilaalinta Qaranimadooda gaar ahaan waxaa Soomaaliya ay ku guul dareysatay in ay wax kabarato dalalka deriska la ah sida Kenya, Itoobiya iyo dalka  koofurta Suudaan.

Waxaa Soomaaliya ay u kala qeybsantahay maamul maamul, waxeyna lakala safanyihiin dowlado shisheeye oo dano gaar ah leh iyagoo ka ilaalinaya Soomaalida iney Midowdo.

Tan iyo markii Abyi Ahmed uu noqday Ra’isul wasaaraha Itoobiya waxa uu cafsi u fidiyay maxaabiistii mucaaradka ee xabsiga ku jirtay sidoo kale waxa uu la heshiiyay qowmiyadaha kala duwan ee dalkaasi isagoo ka hortagaya kala qeybsanaan iyo burbur.

Howlo dar dar leh ayuu la soo baxay Ra’isul wasaare Abyi wuxuu heshiiso dalkiisa anfacaya la saxiixday dalal dhowr sida Soomaaliya, Jabuuti iyo Eriteriya oo uu soo afjaray colaadii ka dhaxeysay labada dal, waxaana dhamaantood ay ku saabsan yihiin heshiisyadaasi in dakadahooda Itoobiya maalgashato si ay u isticmaasho.

Soomaalida kuma baraarugsana  dowladaha Imaaradka Iyo Sacuudiga oo Ra’isul wasaaraha Itoobiya la abaabulaya in dhulka,  badda , dalka  iyo dadka Soomaaliyeed lagu daro wadanka Itoobiya.

Booqashadii koowaad ee Ra’isul wasaaraha Itoobiya ku yimaado Soomaaliya waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya ka saxiixday heshiiska Afar Dekadood markii uu dalkiisa ku laabtayna waxa uu sheegay in labada dal la mideynayo.

Sidaas darted waa in ay kuu muuqataa in Booqashada labaad ee Ra’iusl wasaaraha Itoobiya ku iman doono Soomaaliya iney ahaato mid madaxda dalka uu kaga dhaadhaicinayo in Soomaaliya Iyo Itoobiya Midowdo, maxaa yeelay Abyi Ahmed herar aan caadi aheyn ayaa la socda sida dalalka quwadaha leh ,iyadoo la ogyahay in si xoog ah oo sharci darro ah iney shidaal kaga soo saaratay Itoobiya dhulka aan ku muransanahay ee Ogaadeeniya oo labada dal ay ku dagaalameen.

Waa in laga hortagaa oo ay tashadaan dadka soomaaliyeed ee ku nool waqooyiga iyo Koonfurta soomaaliya inta aan dhulkooda bada iyo bariga la hoos keenin Abysinia-yada cusub ee Qarniga 21-aad.

W/Q: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)
Gmail: Abdiazizh99@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid