Israel oo aqbashay codsigii Sacuudiga ee ka dhanka ahaa madaxweyne Erdogan

Qudus (Caasimada Online) – Israel ayaa ka fakareysa inay qaado tallaabo ka dhan ah dhaqdhaqaaqyada hay’adaha Turkish-ka ee gargaarka ka wada magaalada Qudus, si looga hortago saameynta madaxweyne Erdogan, sida uu qoray wargeyska Times of Israel.

Arrintan ayaa timid kadib codsi ay Sacuudiga, Jordan iyo kooxda Mahmoud Abbas u jeediyeen maamulka Yahuudda, ayaga oo uga digay in Erdogan uu doonayo inuu qabsado Qudus.

Golaha amniga qaranka Israel ayaa diyaarinaya qaraar ka dhan ah hay’adda gargaarka Turkiga ee TIKA ee ka howlgasha Bariga Qudus, Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza.

Warbixinta ayaa sheegtay in sirdoonka Israel ay rumeysan yihiin in hay’adda TIKA ay xafiisyadeeda ku marti-gelisay xubno ka tirsan dhaqaaqa Islaamiyiinta, ayna lacag iyo akhbaaraad u gudbisay kooxda Xamas, inkasta oo tani ay u muuqato mid cudurdaar loogu sameynayo tallabada Israel.

Tallaabooyinka ka dhanka ah TIKA ee la qorsheynayo ayaa waxaa ka mid ah in la xaddido dhammaan dhaqdhaqaaqyada hay’addan, laguna qasbo inay fasax u qaataan mashruuc kasta oo ay fulinayaan.

Bishii tagtay, Sacuudiga, Jordan iyo maamulka Falastiiniyiinta ayaa uga digay Israel in saameynta Turkiga ee Bariga Qudus ay sii ballaaraneyso, sida uu shaaciyey waregyska Haaretz ee Israel.

Warbixinta ayaa sheegtay in saraakiil sare oo carbeed ay Israel u sheegeen in saameynta Turkiga ay kusii fideyo xaafadaha Qudus, taasi oo ay sheegeen inay qeyb ka tahay qorshe madaxweyne Erdogan uu ku doonayo inuu ku sheegto lahaanshaha Qudus.

Jordan ayaa ka walaacsan in saameynta Turkiga ay meesha ka saari karto booska Jordan oo isku haysata inay ilaalo ka tahay dhulka saddexaad ee ugu barakeysan Islaamka.

Dhinaca Sacuudigana, waxay ka walaacsan yihiin in damaca Erdogan ee Qudus uu sare u qaadi karo magaca uu ku dhex leeyahay carabta iyo islaamka, taasi oo ka dhigi karta in loo aqoonsado hoggaamiyaha kaliya ee Islaamiga ah ee u babac dhigi kara Mareykanka iyo Yahuudda.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com