Abdulkadir Isse oo ku guulaystay abaal-marinta wariyaha sanadka ee 2020 + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Abaal-marinta sanadlaha ah oo mar ay qabato madasha Mogadishu Awards ayaa waxaa sanadkan 2020 ku guulaystay weriyaha caanka ah ee Abdulkadir Isse. 

Abdulkadir Isse waxa uu ka mid yahay Wariyayaasha ka howl-gala Warbaahinta Dowladda federaalka Soomaaliya, waxa uuna si gaar ah uga soo warramaa Maxkamadda Ciidamada Militariga Soomaaliya. 

Maxkamadda Ciidamada ayaa xukunta Ciidamada Qalabka Sida ee gaysta dilalka aan sharciga aheyn iyo xubnaha ka tirsan kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish ee lasoo qabto.

Waxaa tartanka kula jiray oo uu ka guuleystay ilaa lix wariye oo warbaahinta gudaha ka shaqeysa.  

Guusha Abdulkadir ayaa waxaa soo dhoweeyey dadweyne badan oo sheegay inuu mudan yahay, maadaama uu hayo shaqo muhiim ah, islamarkaana loo arko inay tahay halis, maadaama uu bartilmaameed u yahay kooxaha argagixisada.  

Abdulkadir Isse ayaa ah weriye rug caddaa ah oo saxaafadda kusoo jiray in ka badan 10 sano, wuxuuna ka mid yahay weriyayaasha loogu aqoonsiga badan yahay magaalada caasimadda ah.