Abiy Ahmed oo soo saaray qoraal ka duwan kan Villa Somalia, shaaciyeyna waxa laga wada hadlay (Aqriso)

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay waxyaabaha ay ka wad hadleen madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Qoraalkan ayaa u muquda mid ka duwan kan Villa Somalia, wuxuuna u muuqdaa mid sheegaya in labada madaxweyne ay ka wada hadleen arrimaha badda, inkasta oo uusan magac ahaan u sheegin badda.

Qoraalkii Villa Somalia waxaa lagu yiri “Ajandaha wada hadalladan oo ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xiriirta dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo baayac mushtarka”

Qoraalka xafiiska Abiy Ahmed ayaa u dhigan sidan: “Ayada oo uu fududeeyey hoggaanke Abiy Ahmed, Kenyatta iyo Farmaajo ayaa saaka kulmay si ay si qoto dheer ugu wada-xaajodoaan xuddunta muranka labada dal. Waxaa kasoo baxay in labadooda ay isku raaceen inay ka shaqeeyaan nabadda, islamarkaana qaadaan tallaabooyin lagu xalinayo arrimaha gaarka ah ah ee kasii daray xiisadaha

Qoraalka Abiy Ahmed, waxaa ku jira laba jumlad oo muhiim ah in la fahmo kuwaas oo kala ah “xuddunta muranka labada dal” iyo “arrimaha gaarka ah ah ee kasii daray xiisadaha

Waxaan wada ogsoonahay in xududnta muranka labada dal ay tahay badda la isku hayo. Waxaan sidoo kale ogsoonnahay in waxa xiisaddan xumeeyey ay tahay shirkii London ee shidaalka badda Soomaaliya, sidaas darteed waxaa muuqata in waxa laga hadlay ay yihiin arrimahaas.

Si kastaba, waxaan sugaynaa faah-faahinno iyo xog intan ka badan, oo soo bixi doonta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com