ABIY AHMED oo war cusub soo saaray xilli mucaaradku kusoo dhowaadeen Addis

Addis Ababa (Caasimada Online) – Shacabka Ethiopia waa inay “naftooda huraan” si ay “u badbaadiyaan” dalka, waxaa sidaas maanta yiri ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, ayada oo uu xoogeystay dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo mucaaradka kusoo siqaya caasimadda. 

Dhowaqiisa ayaa yimid maalin kadib markii sagaal koox oo mucaarad ah ay sameysteen isbaheysi ayaga oo ku biiraya dagaalka ay kooxda TPLF hoggaamineyso ee ka dhanka ah dowladda.

Wakiilka TPLF Berhane Gebre-Christos, ayaa isaga oo saxiixaya heshiiska isbaheysiga oo lagu dhisay magaalada Washington Jimcihii, waxa uu sheegay in isbaheysiga uu damacsan yahay “inuu meesha ka saaro taliska,”,. 

“Waa in naf hurnimo la sameeyo, hase yeeshee naf-hurnimadaas waxay badbaadin doontaa Ethiopia,” ayuu ku yiri Abiy qoraal uu soo dhigay twitter.

“Horey ayaan u aragnay caqabadahan iyo imtixaanaadkan, waxayna naga dhigeen kuwa xooggan,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray “waxaan leenahay xulufo ka badan kuwa dhabarkooda nasoo xijiyey.” 

“Haddaan nahay reer Ethiopia, u dhimashada qarannimadeena, midnimadeena iyo aqoonsigeena, waa sharaf. Ma jirto Itoobiyenimo naf hurnimo la’aan.”

Toddobaadkii tegay TPLF ayaa qabsatay laba magaalo oo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Amxaarada, ayaga oo kadibna usoo ruqaansaday caasimadda Ethiopia, waxayna joogaan meel u jirta qiyaastii 300 km.

Addis Ababa ayaa waxaa lagu qabsan karaa “bil gudahood haddiiba aanay aheyn toddobaadyo,” waxaa sidaas sheegay kooxda Oromada ee OLA.

Afhayeenka OLA, Odaa Tarbii ayaa sheegay in kooxda ay damacsan tahay inay riddo dowladda Abiy, wuxuuna in xafiiska laga eryo Abiy Ahmed ugu yeeray “dhammaad aan laga baaqsan karin.”

“Haddii xaaladda ay sidan ku socoto, waxaan ka hadleynaa bilo, haddiiba aanay aheyn toddobaadyo,” ayuu yiri.