Abiy Axmed oo 72 saac u qabtay hoggaanka TPLF inay isku soo dhiibaan

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa Axaddii maalmo kooban u qabtay madaxda iyo ciidamada Tigrayga inay iskugu soo dhiibaan ciidamada dowladda federaalka, kuwaasi oo uu sheegay inay ku wajahan yihiin magaalada Mekelle ee caasimada Tigrayga.

Abiy ayaa madaxda Tigrayga iyo ciidamadooda u qabtay muddo saddex maalin ah (72-saac), kadib markii ciidamadiisu ay shalay la wareegen magaalada Idaga oo 97-km u jirta caasimada Mekelle ee maamulkaasi.

Waxa kale oo uu sheegay in hogaanka maylka adag ee Tigrayga ay marayaan meel aan marnaba laga soo noqon karin, isla markaana ay xiligan u furan tahay inay si nabad-gelyo ah isugu soo dhiibaan dowladda federaalka.

Abiy ayaa dadka ku nool magaalada Mekelle ee caasimada ismaamulka Tigrayga ugu baaqay inay garab istaagan oo taageeran ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira madaxda maamulkaasi.

Arrintan ayaa imaneysa xili lasoo warinayo in ciidamada Tigrayga ay ka biyo diideen inay is dhiiban, isla markaana ay sii wadayaan dagaalka ay ku jiraan ciidamada millateriga Itoobiya.

Xukuumadda Itoobiya ayaa sidoo kale shalay sheegtay in ciidamadeedu ay magaalada Idaga Hamus ka qabsadeen xoogaga u daacad ah xukuumadda gobolka Tigrayga, kadib dagaal culus oo halkaasi ka dhacay.

Qoraal ka soo baxay guddiga xaaladaha deg-dega ayaa shalay lagu sheegay in magaalada oo ku taala halka laga galo magaalada Mekelle ee xarunta tigreega ay gacanta ciidanka gashay.

Ciidanka Itoobiya ayaa afartii cisho ee ugu dambeysay qabsaday magaalooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin Shire, Axum, Adwa, Adigrat iyo Idaga Hamus.

Maamulka Tigray ayaa sheegay in dad rayid ah lagu laayey dagaalka ka dhacay magaaladaas laakiin faahfaahin intaa dheer may bixin. Madaama oo telefoonnadii iyo internet-kiiba go’an yihiin way adagtahay in la xaqiijiyo wararkaas.

Midowga Afrika aya sheegay inuu ergo dirayo, waxaana isa soo taraya baaqyada Qaramada Midoobay ee xabbad joojinta ah si loo helo marino gargaarka aadamenimo la mariyo, iyada oo midaasi xukuumada Abiy ka dhago adeygayso.