Culimada Soomaaliyeed oo 6 qodob kasoo saaray muranka ka taagan doorashada (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaanka hey’adda culumada Soomaaliyeed ayaa war-saxaafdeed ka soo saaray ismaan dhaafka siyaasadeed ee dalka ka jira, kaas oo salka ku haya hanaanka loo fulinayo heshiiskii dhawaan laga gaaray nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya ee 2021-ka.

Qoraalka culumadda oo ka kooban todoba qodob ayaa waxaa ku saxiixan seddax Sheekh oo kala ah, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sheekh Yuusuf Cali Ceynte iyo Sheekh Shariif Maxamed Cumar, waxaana baaq loogu jeediyey dhinacyada isku haya arrimaha siyaasadda iyo doorashada dalka.

Qoraalka culumada qodobkiisa koowaad ayaa siyaasiyiinta ugu baaqaya inay u turaan dadka iyo dalka ay hoggaanka u yihiin, isla markaana ka fogaadaan wax kasta oo culeys ku keeni kara walaaltinimada iyo jiritaankooda.

“Waxaan u soo jeedineynaa dhinacyada kala duwan in wixii khilaaf ah ay ku xaliyaan wadahadal, walaalnimo iyo isu tanaasul,” ayaa lagu yiri bayaanka culumada.

Dhamaan hey’ada ay khuseyso ayey u soo jeediyeen inay qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah, iyadoo lagu dul shaqeynayo heshiiskii ay madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ka gaareen arrimaha doorashada.

Sidoo kale xukuumadda federaalka ayey u soo jeediyeen inay dhigto gogol, isla markaana ay gar-wadeen ka noqoto wadahadllo lagu turxaan bixinayo khilaafka ka dhashay doorashada dalka.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada kala duwan inay joojiyaan hadallada xanafta leh iyo wax kasta oo hurin kara xaaladda dalka, abuuri karana qalalaase siyaasdeed” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka culumada.

Hoos ka akhrso bayaanka culumada