Abiy Axmed oo shaaciyey in SOOMAALIYA, Ethiopia iyo Eritrea ay yeelanayaan hal madaxweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed ayaa ka sheegay magaalada Baahir Dar ee dalka Ethiopia in dalalka Bariga Africa ay yeelan doonaan hal madaxweyne halkii ay ka lahaan lahaayeen seddex madaxweyne, sida lagu daabacay warbaahinta Eritrean Press [EP].

Dr Abiy Axmed, ayaa hadalkaan ka sheegay xafladda daahfurka Tibebe Ghion Specialized Hospital ee magaalada Baahir Dar, iyada oo ay hareer taagnaayeen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed wax faahfaahin ah kama uusan bixin goorta la mideynayo seddexda dal, Laakiin hadalkiisa ayaa u muuqday mid uu kaga hadlayay sida mustaqbalka ay qorsheynayaan.

Dhinaca kale Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlayey magaalada Gondar ayaa laga soo xigtay inuu dhahay” Waxaa isbadalay taariikhda geeska Afrika”, sida uu daabacay wargeyska.

“Waxaan u soconnaa iskaashi gobol oo horumarka xagga dhaqaalaha ah, si loo hubiyo in aanu la dagaalno faqriga gobolka” ayuu Farmaajo raaciyey.

Jimcihii ayey saddexdan mas’uul tageen Magaalada Gondar, Gobolka Baxar-daa, oo ah goobta uu ku aasan yahay awoowaha Isaisas.

Shirkan oo maanta soo gebo-gaboobey, waxaa uu daba-socday heshiiskii Asmara ee ku saabsanaa saaxiibtinnimada iyo iskaashiga saddexda dal, waxaana lagu wadaa in shirka xiga lagu qabto Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com