R/W Abiy Ahmed oo weli ku adkeysanaya damaciisa BADDA xilli uu hoos u dhigay…

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed oo shalay hoos u dhigay cabsida laga qabo dagaal ay la galaan Soomaaliya sababo la xiriira baadi-goobka ay Ethiopia ugu jirto bad, ayaa geesta kale wuxuu weli ku dhagan yahay damiciisa gurracan ee helitaanka dhul badeed.

Abiy Axmed oo la hadlayey sharci-dejiyayaasha dalkiisa ayaa yiri hadal u dhignaa “Waan wadaagi doonnaa kheyraadkeena, xitaa mustaqbalka, laakiin rajadeenu waxay tahay in aan ka filayo inay sidoo kale aqbalaan codsiyadeena.”

Hadalkaan ayaa muujinaya in xukuumadda Abiy ay weli ku adkeysaneyso damacaasi, xilli ay 1-dii Janaayo ee sanadkaan heshiis is-afgarad la saxiixatay Somaliland, oo ayadu ku doodda inay tahay dal ka madax-banaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dukumentiyada heshiiskaas ayaan weli la shaacin balse Somaliland ayaa dhankeeda waxay sheegtay in Ethiopia ay ogolaatay inay aqoonsato madax-banaanideeda, ayada oo ku beddelanaysa dekad iyo saldhig ciidan badeed.

Heshiiskaas ayaa ka caraysiiyey dowladda federaalka Soomaaliya oo ku adkeysata in Somaliland ay qeyb ka tahay Soomaaliya. Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa sidoo kale jeediyey “inuu diyaar u yahay dagaal ay la galaan Itoobiya” si looga hortago inay halkaas deked ka dhisto.

“Si loo xaqiijiyo nabadda Soomaaliya, kumanaan Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay Soomaaliya. Waxaan ku dhimaneynaa Soomaaliya sababta oo ah nabadda Soomaaliya waa nabadda Itoobiya. Horumarka Soomaaliya waa horumarka dalkeena. Waxaan aaminsannahay inaan nahay walaalo, mana dooneyno in aan dagaalanno,” ayuu yiri Abiy Axmed.

Abiy waxa keliya uu hadda meesha ka saaray waa suurta-galnimada in uu dagaal dhex-maro Soomaaliya, kaasi oo salka ku haya xiisaddan, hase yeeshe weli kama tanaasulin damaciisa badda, oo sida muuqata wuxuu rabaa in taasi lagala hadlo, waa haddiiba u shaqeyn waayo heshiiska Somaliland, oo caalamka ka horyimid.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya waa diiday inay wada-hadal la furto Abiy iyo xukuumaddiisa, illaa uu ka laabto heshiiskii is-afgarad ee Somaliland uu kula saxiixday magaalada Addis Ababa, taasi oo uu weli ka meer-meerayo.