Saddex arrin oo la xiriirta kiiska LUUL Cabdicasiis iyo soo qabashada ninkii gubay

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa Isniintii xaqiijisay inay gacanta kusoo dhigtay Sayid Cali Macalin Daa’uud, oo ah ninka ku eedeysan inuu gubay xaaskiisi Luul Cabdicasiis.

Ninkaan ayaa u baxsaday dhanka gobolka Galgaduud, waxaase ugu dambeyn laga soo qabtay isku darka Mudug iyo Galgaduud. Ciidanka NISA ayaa warbaahinta la wadaagay eedeysanaha eedeysanaha oo gacanta dhaawac ka ah.

Warbixintan ayaa waxaa ku eegayna saddex arrimood, kuwaasi oo kala ah;

1. Xujo fur

Waa xujo fur weyn oo ay sameeyeen laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya. Horey waxaa su’aal loo dul dhigay awoodooda ciidan, midooda xuuraanka iyo heerkooda u sinaanta muwaadiniinta.

Laakiin kadib qabashadii Isniintii ee eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud waxaa la oran karaa laamaha amniga ee dowladda waa is-furteen oo waxay bad-baadiyeen kalsoonida ay ku dhex leeyihiin bulshada, si gaar ah Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA.

2. Xujo cusub iyo waaxda garsoorka

Maydka Luul Cabdicasiis ayaa weli la aasin, qoyskeeda waxay horey u sheegeen in aanay aasi doonin illaa laga soo qabanayo ninka ay ku eedeeyeen inuu gabadhooda dilay. Hadda eedeysanihii waa la hayaa, waxaana markaan loo jiheysan doona dhinaca hay’addaha garsoorka.

Maadaama falkaan uu ugub ahaa wuxuu si weyn u kiciyay dareenka bulshada Soomaaliyeed, waxaana hadda abuurmaya cadaadiska waaxda cadaaladda.

Garsoorka Soomaaliya waxaa marwalba lagu eedeeya cadaalad xumo iyo daahid badan, markaan waxay gacanta ku qabanayaan kiis si weyn loo eegayo. Habka loo wajaho iyo waqtiga ay siiyaan ayaa si gaar ah loo eegi doona.

Haddii shalay ciidanka ku xujeysnaayeen soo qabashada eedeysanaha, maanta xujadii waxay u wareegtay dhanka hay’addaha garsoorka.

3. Gunaanadka kiiska oo badbaado ama baylah dhalin kara

Dadka Soomaaliyeed ee sida weyn isha ugu hayay dhacdadan argagaxa leh ayaa si weyn u bogaadiyay laamaha amniga ee dowladda. Waxaana soo qabashada ninkana ku jirta farriin gaar ah oo ah in aan si fudud looga baxsan karin ciidanka dowladda.

Waxaa sidoo kale bogaadin leh reerka uu kasoo jeedo eedeysanaha, kuwaasi oo si isku duuban uga horyimid falkaan bahalnimada ah, iyaga oo la sheegay in laamaha amniga garab fiican ku siiyeen soo qabashadiisa.

Sida loo maareeyo iyo halka uu ku dhamaado kiiskaan waxay noqon kartaa sii socoshada ama gunaanadka falalka nuucaan ah.