Abiy oo shuruud adag ku xiray wada-hadal uu la galo TPLF

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa shuruud ku xirtay haddii wadahadal ay ka galeyso dagaalka sanad jirsaday ee kusii siqiya Magaalada Addis Ababa oo ah Caasimadda & xarunta Midowga Afrika.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Dina Mufti ayaa sheegay in haddii TPLF ay ka go’an tahay in laga xaajoodo colaadda looga baahan yahay in ay kasoo baxaan shuruudaha ay soo bandhigtay Dowladda.

“Iney fallaagada TPLF ay ka baxaan dhulka ay ka qabsadeen deegaannada Amxaarada iyo Cafarta, Iney aqoonsadaan dowladda dhexe ee dalka ka arrimisa iyo xoogagga TPLF weerarrada ay fulinayaan iney joojiyaan,” ayuu yiri afhayeenka.

“Seddexdan qodob “wadahadalladu iney shuruudo u noqdaan iyo ineysan u noqon labaduba wey dhacdaa”, balse ilaa iyo hadda wax wada hadal oo dowladda dhexe iyo TPLF ka dhex billaawday ma jiraan, wax go’aan ah oo wadahadal laga gaarayna ma jiraan” ayuu yiri.

“Dalka Itoobiya marweliba nabad ayuu doonayaa, maadaamaa dalku uu sabool yahay si horumarka ahmiyadda uu u siiyo” ayuu yiri.

Afhayeenku waxaa kale uu sheegay dagaalka deegaanka Tigraay ka soo billaawday oo haatan ka socda deegannada Amxaarada iyo Cafrata inuu yahay mid dowladda raalli ka ahayn balse lagu qasbay.

Waxaase jira qodobo kale balse waxaa ugu muhiimsan in TPLF culeyska ka qaado Addis Ababa, xareynta maleeshiyaadka hubeysan ee hubka u qaatay sidii loo difaaci lahaa Ismaamulka dhaca waqooyiga dalkaas.

Waxaa socda dedaallo kala duwan oo xal loogu raadinayo colaadda ka jirta Itoobiya, garwadeyn waxaa ka ah madax kala mataleysa Midowga Afrika & Qaramada Midoobay oo la kulmay labada dhinac.

Isniinta oo ku beegan 15-ka November 2021 waxaa Magaalada Kampala caasimadda Uganda lagu qabanayaa shir ay ka qaybgalayaan madaxda Dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD si ay go’aamo uga soosaaraan xaaladda Itoobiya.