Walaaca doorashada Aqalka Hoose laga qabo oo kordhay iyo digniin laga soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa walaac xoogan ka muujiyey doorashada Golaha Shacabka oo dhawaan si hordhac ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho, waxayna ka digeen nidaamka ay ku bilowdeen doorashooyinkaas.

Qoraal kasoo baxay Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu dalbaday in doorashooyinka Golaha Shacabka ay noqdaan kuwa hufan oo daahfuran, islamarkaana aan ka hor-imaaneyn habraacyada loo sameeyay doorashada iyo heshiisyadii la gaaray.

“Bulshada Rayidka waxay soo jeedinayaan in golaha Wadatashiga Qaran sida ugu dhakhsiyaha badan inay kusoo saaran jadwalka doorashada iyada oo aan waxba laga bedeleen heshiiskii 17-kii September,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay ka digeen in doorashada golaha shacabka ay ku socdaan nidaamka ay ku billawdeen oo ay sheegen inuu u muuqday mid aan waafaqsaneyn heshiisyadii doorashooyinka.

“Waxaa welwel badan ka qabnaa suurtagalnimada in la baalmaro habraacyada loo dajiyay doorashooyinka dalka.”

Sidoo kale waxay soo dhaweeyen baaqii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu u jeediyay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee labada heer ee ku aadana in sida ugu dhaqsiyaha badan loo billaabo doorashada golaha shacabka.

“Xarunta la socodka doorashooyinka ee bulshada rayidka waxay bogaadinaysaa dadaallada lagu xaqiijinayo hubinta qoondada 30% ee haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin matalaada shacabka.”

Ugu dambeyntiina waxay ugu baaqeen in mas’uuliyiinta dalka iyo guddiyada maamulka doorashooyinka inay u hogaansamaan habraacyada lagu xaqiijinayo matalaada haweenka oo ay sheegan inay muhiim u tahay geedi socodka doorashooyinka dalka.