Amir Ali Hajizadeh: “Israel dagaal way billaabi kartaa balse IRAN ayaa soo afjari doonta”

Tehran (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada cirka ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, Amir Ali Hajizadeh ayaa Khamiistii sheegay in Israel ay u qoran tahay “ in la cirib-tiro” islamarkaana tallaabo kasta oo ka dhan ah Iran oo ay qaado ay taasi soo dedejin doonto. 

Hadalkiisa ayaa yimid ayada oo madaxda amniga Israel ay dhowaanahan sare u qaadeen hadallada ka dhanka ah Iran, ayada oo madaxa ciidamada Israel Aviv Kohavi uu Talaadadii shaaciyey in militariga ay sare u qaadeen diyaarinta weerar lagu qaado goobaha Nukliyeerka ee Iran.

Isaga oo ka hadlayey munaasabad ka dhacday Tehran, ayaa Amir Ali Hajizadeh wuxuu ugu jeesjeesay Israel “inay tahay taliska kaliya ee dunida ka jira ee ka doodaya sidii ay ku badbaadi lahaayeen.”

“Taliska Sahnuuniyadda ee ka hadlaya jiritaankooda waxaa u qoran baaba’ mana ka hadli karaan burburinta dalal kale,” ayuu yiri Amir Ali Hajizadeh oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Tasnim. 

“Haddii ay ku adkeysanayaan inay xaddidaan awoodaheena gantaallo iyo diyaaradaha drone-ka, waxay taasi muujineysaa awooddeena.”

“Ma dooneyno inaan qeexno awooddeena, sababtoo ah cadowga ayaa si ku filan uga hadla gantaallada Iran iyo difaaceenna,” ayuu yiri. 

Isaga oo ka jawaabaya hadalka saraakiisha Israel ayaa waxaa u yiri “Dalka Yahuudda ah dagaal waa uu billaabi karaa, balse Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa kusoo afjari doonta cirib-tirka taliska Sahnuuniyadda.”

“Haddii Taliska Sahnuuniyadda uu Jamhuuriyadda Islaamiga ah siiyo qiil, waxay taasi dedejin doontaa baabi’intooda.”

Dhinaca kale, ciidamada cirka Israel ayaa sheegay inay dhowaan billaabi doonaan diyaarinta weeraro lagu qadaayo goobaha Nukliyeerka Iran.

Hajizadeh ayaa sheegay in hanjabaadda Israel ee ka dhanka ah Iran, gaar ahaan goobaha Nukliyeerka, loogu talo-galay in lagu hurudsiiyo shacabka.

“Israel waa ay billaabi kartaa weerar ka dhan ah Iran, balse natiijada kasoo baxda inanga ayaa go’aamin doonna,” ayuu yiri.