Dagaal culus oo ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab ku dhex maray gobolka Bari

Garoowe (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal Maanta ciidamada Puntland iyo kuwa Al-Shabaab ku dhex maray buuraha dhanka waqooyi kaga beegan tuulada Af- Urur oo ka tirsan Gobolka Bari.

Ciidamada Puntland ayaa weerar qorsheysan ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Al-Shabaab oo isku aruursanayey buuraha.

Ciidamada Al-Shabaab ee isku aruursanayey buuraha ayaa la sheegay inay weerar kusoo qaadi rabeen tuulada Af- Urur oo ka tirsan Gobolka Bari.

Dagaalka oo qaatay dhowr saac isla markaasna la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Dadka deegaanka ayaa Caasimadda Online u sheegay inay maqlayeen dhawaqa hubka culus oo ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Maamulka Puntland weli kama hadlin dagaalka oo hadda istaagay kadib markii ciidamadii Puntland ee weerarka ay dib ugu soo noqdeen tuulada Af- Urur.