Gobolka Banaadir ‘oo duulaan lagu soo qaaday’

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo maanta hadal ka jeediyey kulan ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa wax aan la aqbali karin ku sheegay in maamulka gobolka Banaadir lagu soo doonto maamulkiisa.

Nabadoon Xaad ayaa sheegay in la rabo in gobolka Banaadir aan wax lagu baran, oo ardey ka baasin, maadama waxbarashadii maamulkeed lagu wareejiyay ay Wasaaraddu markale rabto inay soo ceshato.

“Duulaan qarsoon ayaa ku socda Banaadir waxaa la diiday in maamul uu sameysto, dad meel iska fadhiya ma nihin waa isku deynay in maamulka gobolka Banaadir uu yeesho maamul uu isaga leeyahay oo aayihiisa ka taliya, haddana waxaa moodaa wadadii aan haynaa,” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

“Waxaa taageerayna waxbarashada gobolka Banaadir in loo daayo gobolka, sida dowlad goboleedyada kale xaq ugu leeyihiin ayuu u leeyahay. Uma dulqaadaneyno in siddeed kun iyo toban kun ay sanad walba dhacdo, mana yeelayno siyaasadaas waa diidnay.”

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in siyaasadeynta laga daayo waxbarashada, islamarkaana maamulka waxbarashada loo daayo maamulka gobolka Banaadir oo uu sheegay in uu isbedel weyn ku sameeyay.

Nabadoon Xaad ayaa ugu dambeyntiina carabka ku adkeeyay in adeeygada waxbarashada kala xisaabtamayaan maamulka gobolka Banaadir oo kal hore lagu wareejiyo, meeshana laga saaro carqaladeynta.

Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo maalmihii dambe shir uga socday magaalada Muqdisho ayaa ka dalbaday madaxda dalka in maamulka gobolka Banaadir ay wasaaradda waxbarashada ka deyso fara-gelinta qaawan, maadama uu dalka uu yahay nidaam federaal.