AL-SHABAAB oo shaacisay inay saraakiil Mareykan ah ‘ku dileen’ qaraxii Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii maanta ka dhacay isgoyska Banaadir ee Muqdisho, oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu ka xaynayay dagaalyahan naftii halige ah.

Sida ay baahisay warbaahinta Al-Shabaab, war rasmi ah oo kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lala eegtay saraakiil American ah oo u shaqeynayay shirkad qaabilsan arrimaha difaaca oo lagu magacaabo Pacific Architects and Engineers, sida qoraalka lagu xusay.

“Waxaa qarax lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen saraakiil Caddaan American ah waxaa si gaar ah loo beegsaday gaarigii ay saarnaayeen saraakiisha Mareykanka ah waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac leh,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in saraakiisha Mareykanka ay ahaayeen laba sarkaal, oo ay wehliyeen kuwa u dhashay dalka Uganda, ayna ka yimaadeen Villa Baydhaba.

Al-Shabaab ma aysan shaacin tirada rasmiga ah ee ku aadan khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ay gaarsiisay saraakiishan, haddiiba ay sida ay u sheegtay u jiraan inay weerarka la heshay.

Qaraxa ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ayaa ahaa mid xooggan oo laga maqlay meelo badan oo magaalada kamid ah, kaasi oo lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada Amisom oo ka yimid dhanka Villa Baydhaba, sida aan xogta ku helnay.

Goobjoogeyaal ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey dhimashada saddex qof, iyo dhaawaca tiro intaas ka badan.

Waxa uu burbur xoogan soo gaaray mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada AMISOM ee qaraxa lagu weeraray, iyada oo dadka ku dhaawacmay qaraxa la geeyay qaar kamid ah Isbitaallada magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa yimid saacado kadib markii qarax kale uu maanta ka dhacay Wadada Ceelqalow ee laamiga isku xira Isgoysyada Dan-Wadaagaha iyo Soobe, kaasi oo ahaa nooca miinada ah, waxaana lala beegsaday Ciidamo ku sugnaa agagaarka Ceelqalow oo kamid ah kuwa dowladda Hoose ee Xamar ee lacagta canshuurta uga qaada Bajaajta.