Abshir Bukhaari oo weerar culus ku qaaday Farmaajo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha aqalka sare Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa ku eedeeyay sii-hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu ku tuntay dastuurka dalka.

Abshir Bukhaari wuxuu qabaa in Farmaajo isagoo ogsoon in dastuurka dalka uu qeexayo dhismaha guddiyada madaxa bannaan uu hadana hareer maray, wuxuuna tusaaleyn usoo qaatay wareegtadii ugu dambeysay ee la sheegay iney kasoo baxday xafiiska sii hayaha madaxweynaha taasoo lagu magacaabay guddiga adeegga garsoorka.

“Waa kan Farmaajo oo mar kale ku tumanaya dastuurkii dalka, wuxuu wareegto kusoo saaray guddi ka mid ah guddiyada madaxa banaan isagoo ogsoon in dastuurka kumeel gaarka ah qodobkiisa 112-aad uu qeexayo habraaca loo maraayo guddiyada madaxa banaan,” ayuu yiri Abshir Bukhaari.

Sidoo kale warqadii kasoo baxday xafiiska Farmaajo wuxuu ku tilmaamay mid sharci darro ah oo aan raacsaneyn dastuurka.

Wareegtada kasoo baxday xafiiska sii hayaha madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa gaashaanka u daruuray gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi kaas oo sheegay iney tahay waxba kama jiraan maadaama aan aqalka sare lasoo marsiin, sida sharcigu qabana ay tahay in lasoo marsiiyo.