Midowga Musharaxiinta oo war cusub kasoo saaray banaan-baxa Jimcaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa maanta markale ka hadlay banaanbaxa ay ku dhawaaqeen inuu ka dhacayo magaalada Muqdisho, xili uu dalka marayo marxalad xasaasiya.

Mucaaradka ayaa shalay ku dhawaaqay banaanbax weyn oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, iyada oo dadweynaha ay iskugu imaanayaan Taalaada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, maalinta Jimcaha ee taariikhdu tahay 19-ka Febraayo.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo ku hadlayay Afka Musharaxiinta ayaa sheegay in banaanbaxaas uu yahay mid nabdoon, islamarkaana wax fowdo iyo dhibaato ah u keeneyn amaanka caasimada.

Waxaa uu sheegay in Musharaxiinta ay ka war heleen in dowladda ay doonayso inay carqaladeyso banaanbaxaas, oo looga soo horjeedo madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, laguna dalbanayo doorasho wada-ogol ah oo si dhaqso ah uga dhacda dalka.

Daahir Geelle ayaa ugu baaqay Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdi Xijaar iyo guud ahaan taliyeyaasha ciidanka inay ka qeyb qaatan sugida amniga dadweynaha maalinta Jimcaha iskugu soo baxaya magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu ka dalbaday ciidamada inay taxadar iyo feejignaan dheeriya muujiyaan, islamarkaana ay ka fogaadan hirdanka siyaasadeed ee dalka taagan, loogana baahan yahay inay xaqiijiyaan amaanka guud ee goobta ay u asteeyen inuu ka dhaco banaanbaxaas.

Musharaxiinta mucaaradka ayaa shalay ku dhawaaqay banaanbaxaas oo dhacay dhamaadka toddobaadka, iyagoona sheegay inay hor-kici doonaan, kaasi oo ay uga soo horjeedan madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday, islamarkaana ay ku dalbanayaan in dalka ka dhacdo doorasho dhaqso ah oo wada-ogol ah.