Kenya oo war kasoo saartay go’aankii maxkamadda ICJ ee kiiska badda Soomaaliya

Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa ka hadashay markii ugu horreysay go’aankii ay maxkamadda cadaaladda Adduunka (ICJ) ka qaadatay codsigeedii ahaa in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda Soomaaliya.

Xoghayaha joogtadda ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Macharia Kamau, oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah, ayaa sheegay iney diyaar u yahiin ka qeyb galka dhageysiga dacwadda, islamarkaana aysan go’aanka maxkamadda u aheyn guuldarro.

Dhageysiga dacwadda waxaa loo ballansan yahay 15-ka Maarso, iyadoo socon doonta ilaa 19-ka Maarso, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay diidmo ay ka muujisay in dib loo dhigo dacwada badda markii afaraad, kadib isku day ay sameysay Kenya.

“Aniga oo tixraacaya kiiska xadeynta badda Indian Ocean ee Soomaaliya vs Kenya, iyo codsiga Kenya ee ah hakinta sii wadista dhageysiga, waxaan jeclahay inaan idinku war-geliyo, in kadib markii aan ka fakarnay doodaha labada dhinac, in maxkamadda ay go’aansatay inay sii waddo dhageysiga sida loo qorsheeyey oo billaabaneysa 15-ka March,” ayuu yiri Philippe Gautier oo ah diiwaan-hayaha maxkamadda ICJ, oo qoraal soo saaray Sabtidii.

Inkastoo uu sheegay iney xaadiri doonaan, haddana Macharia Kamau wuxuu mar kale diray fariin dadban oo ah inaan meesha laga saarin halista cudurka Covid-19, taasi oo muujineysa in Kenya weli aysan ka rajo dhigin in kiiska dib loo dhigo.

Balse, Philippe Gautier  ayaan sheegay in dhageysiga uu dhici doono qaab online ah, oo aan Maxkamadda la tegi doonin, taasi oo meesha ka saareysa halista COVID-19 ee Kenya ay isku dayeyso inay ku cudur daarato.

Dowladda Soomaaliya waxey sheegtay iney diyaar u yahiin qareenadeeda isla markaana ay rajeynayaan iney helaan xukun cadaalad ah.

Sida horey loo qorsheeyey dhageysiga dacwadda Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay dhici doontaa 15-ka illaa 19-ka bisha March ee sanadkan.