Wararkii ugu dambeeyey shirka guddiyada DF iyo dowlad goboleed iyo R/W Rooble oo furay + Sawirro

Baydhaba (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta furay shirka Guddiga Farsamada ee Qabanqaabada Shirka Wadatashiga Qaran oo kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay Baydhabo. 

Ra’iisul Wasaaraha oo habka fogaan aragga uga qeyb galay shirka ayaa guddiga kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo ah u gutaan shaqada loo igmaday.

Guddiyadan ayaa yeelan shir ay soo qaban-qaabiyay beesha caalamka, waxeyna guddigaan ka kala socda dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir ka arrinsan doonaan sidii xal loogu heli lahaa qodobada la isku mari weysan yahay ee ku hor gudban arrimaha doorashooyinka, isla markaana keenay fashilka shirkii dhuusamareeb 4.

Beesha Caalamka ayaa kulankaan ka ah kor joog, waxaana la doonayaa in xal looga gaaro arrinta gobolka Gedo oo ah tan ugu weyn ee ku hor gudban doorashada, sidoo kale guddiyadaan shirka uga socda waxey si toos ah ula xiriirayaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Wararka hoose oo ay Caasimadda Online heleyso waxaa ka mid ah in xubno ka tirsan guddiga ay booqan doonaan gobolka Gedo, gaar ahaan Garbahaarey, waxeyna doonaayaan iney soo qiimeeyaan xaaladda deegaanada lagu mursan yahay.

Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa isku raaci waayay hannaanka doorashada iyadoo wali aan dhinac loo bixin, beesha caalamka ayaana ka shaqeyneysa sidii la isugu soo dhawaan lahaa loona qaban lahaa doorasho wakhtigeeda ku dhacda oo loo wada siman yahay.