Abu Muhammad al-Masri – Hogaamiyihii Al-Qacida ‘ee caawiyey Caydiid oo la dilay’

Tehran (Caasimada Online) – Hoggaamiye ku-xigeenkii Al-Qacida, oo lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey weeraradii safaaradaha Mareykanka ee Nairobi iyo Darussalam, sidoo kalena Jeneral Maxamed Faarax Caydiid ka caawiyey dagaalkii uu la galay Mareykanka, ayaa lagu dilay dalka Iran.

Wargeyska New York Times oo soo xiganaya ilo-wareedyo sirdoon ayaa weriyey in Abdullah Ahmed Abdullah oo loo yaaqaan Abu Muhammad al-Masri ay dileen wakiilo ka tirsan sirdoonka Israel, oo fulinaya codsi ka yimid Mareyaknka.

Weerarkan oo ay fuliyeen laba nin oo huebysan oo ku socday mooto ayaa 7-dii August ka dhacay waddo ku taalla magaalada Tehran ee caasimadda Iran, sida lagu sheegay warbixinta New York Times. Waxaa la socday oo lala dilay gabar uu dhalay.

Dilka Al-Masri, oo loo arkayey inuu ahaa ninka beddeli lahaa hoggaamiyaha Al-Qacida Ayman Al-Zawahi ayaa tan iyo markaas la qarinayey, sida ay sheegtay warbixinta New York Times.

Al-Masri iyo Jeneral Caydiid

Abu Muhammad al-Masri waxa uu 1963-kii ku dhashay degmada Al Gharbiya ee waqooyiga dalka Masar. Yaraantiisa waxa uu ahaa xirfadla kubadda cagta ah oo ka cayaara horyaalka heerka koowaad ee Masar.

Kadib markii Midowga Soviet ay qabsadeen Afghanistan 1979-kii, waxa uu ku biiray dhaq-dhaqaaqii Jihaadiyiinta ee caawinayey ciidamada Afghanistan.

10 sano kadib markii Soviet-ka ay ka baxeen Afghanistan, Masar ayaa diiday inay Al-Masri u ogolaato inuu dalka kusoo laabto, wuxuuna sii joogay Afghanistan, halkaasi oo uu kula biiray Osama Bin Laden, kuna aas-aaseen Al-Qacida. Waxa uu lambarka 7-aad kaga jiraa liiska aas-aasayaasha Al-Qacida ee ka kooban 170-ka qof.

Horraantii sagaashamaadkii, waxa uu Bin Laden ula safray magaalada Khartoum ee dalka Sudan, halkaasi oo uu ka billaabay aas-aaska unugyada Militari ee Al-Qacida.

Sida lagu sheegay warbixinta New York Times, waxa uu sidoo kale xilligaas u safray Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, isaga oo caawiyey oo tababar siiyey maleeshiyadii daacadda u aheyd Jeneral Maxamed Faarax Caydiid.

Tababarka uu siiyey waxaa ka mid ahaa sida loo rido gantaalaha laga tuuray garabka loolana beegsado diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopter-ka. Tababrkaas ayaa ka caawiyey ciidankii Jeneral Caydiid dagaalkii ay la galeen ciidamada Mareykanka, halkaasi oo ay kusoo rideen laba diyaaradeood oo Helicopter ah, dhacdadaas oo loo yaqaan Weerarkii Black Hawk Down.

Al-Masri iyo Weeraradii Safaaradaha

Waxyar kadib dagaalkii Muqdisho, Osama Bin Laden ayaa Al-Masri madax uga dhigay qorsheynta howlgallada ka dhanka ah bartilmaameedyada Mareykanka ee Afrika.

Ayaga oo qorsheynaya weerar weyn oo caalamka ka yaabiya, ayey go’aansadeeen inay si isku mid ah u weerareen labada safaaradood ee Mareykanka ee Nairobi, Kenya iyo Darussalam, Tanzania.

Waxyar kadib 10:30 am 7-dii August 1998-kii waxaa laba baabuur oo xamuul ah oo qaraxyo laga soo buuxiyey ay isku mar weerareen labada saafaraood, waxaana halkaas lagu dilay boqolaal qof.

Sanaddii 2000, Abu Muhammad Al-Masri ayaa ka mid noqday sagaalka xubnood ee golaha maamula Al-Qacida, waxaana madax looga dhigay tababarka militariga Al-Qacida.

Waxa uu sidoo kale sii waday inuu mas’uul ka ahaa howl-gallada afrika, sida ay sheegeen ilo-sirdoon, wuxuuna amray weerarkii 2002 ka dhacay magaalada Mombasa, oo lagu dilay saddex dalxiise oo Israeli ah iyo 13 qof oo Kenyan ah.

Jawaabta Iran ee dilka 

New York Times waxay werisay in Iran ay isku dayday inay qariso dilka Al-Masri, ayada oo u beddeshay sheeko kale.

Kadib markii dilka laga war helay, warbaahinta dowladda Iran ayaa dhibanayaasha ku sheegay inay ahaayeen Habib Daoud, oo ahaa macallin taariikhda ka dhiga Jaamacad iyo gabadhiisa 27- jirka aheyd ee Maryam.

Iran ayaa sidoo kale maanta beenisay warbixinta, waxayna sheegtay in aysan jiri “argagixiso” Al-Qacida ah oo ku sugan ciiddeeda.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iran Saeed Khatibzadeh ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “Mareykanka iyo Israel waxay mararka qaar Iran la xiriiriyaan kooxaha noocan ah ayaga oo been sheegaya islamarkaana warbaahinta u dusinaya akhbaaraad been abuur ah, si ay isaga fogeeyaan dhaq-dhaaqayada dambiyeed ee kooxdan iyo kooxaha kale ee argagixisada ee gobolka.”