Itoobiya oo soo bandhigtay magacyada iyo sawirrrada xubno Shabaab iyo ISIS ah

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa soo bandhigtay sawirrada & magacyada rag ay sheegtay inay ka tirsan yihiin kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya.

War ka soo baxay hay’adda sirdoonka dalkaasi ee magaceeda loo soo gaabiyo JDFI ayaa waxaa lagu sheegay in raggaasi oo gaaraya 12 qof lagu soo qabtay howl-gal qorsheysan.

Hay’adda ayaa sidoo kale shaacisay in ciidamada amniga ay muddo ku raad joogeen xubnahan oo lagu eedeeyey inay wadeen abaabulka inay fuliyaan weeraro culus.

Sidoo kale waxa ay hay’adda sirdoonka Itoobiya shaaca ka qaaday in soo qabashada raggan ay gacan weyn ka geysteen shacabka dalkaasi.

Qoraalka ka soo baxay JDFI ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada amniga ay weli baadi goobayaan shaqsiyaad kale oo lagu eedeeyey inay xiriir la leeyihiin kooxahaasi.

Magacyada ragga la soo qabtay ayaa waxaa lagu kala sheegay 1-Fu’ad Shaafi Khadiir, 2-iimaan Asafa(Faaruuq Ismaaciil), 3-abdijabar Abdalla Ibraahim, 4-Siciid Mustafa Ibraahim, 5-Mascuud Gabayaahu, 6- Tafare Tashome(Idiris), 7-Abdirahman Adan Abubakar, 8- Mukhtaar Gaab, 9- Jaamac Diiriye Abdi, 10- Sh Ahmed Nuur Maxamed Osmaan, 11-Abdul Abdi Jamal iyo 12- Cumar Ridwaan Muhaadi.

Si kastaba howl-galka lagu soo qabtay shaqsiyaadkan ayaa ku soo aadaya, xilli haatan ay Itoobiyo ku jirto xaalad adag oo ka dhalatay dagaalka ka socda gobolka Tigray.