Abwaan Guure oo si aan la fileyn uga jawaabay xil ka qaadistii lagu sameeyay

Ankara (Caasimada Online) – Maareeyihii Tiyaatarka qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure ahna milkiilaha Idaacadda Kulmiye ayaa ka hadlay xil ka qaadis deg deg aheyd oo maanta lagu sameeyay.

Abwaan Guure oo ku sugan dalka Turkey ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xil ka qaadista lagu sameeyay, isaga oo sheegay in xilka laga qaaday isagoo dalka ka maqan.

Abwaanka ayaa sheegay in xilka uu yahay mid meerto ah, islamarkaana uu xilka uu wareejin doono marka uu kusoo laabto magaalada Muqdisho.

Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka ayaa xilka laga qaaday kadib markii idaacadda Kulmiye ay baahisay warbixin la xiriirtay in madaxweynaha Soomaaliya uu aqbalay in xilka laga qaado ra’iisul wasaaraha, iyadoo warkaasina uu been abuur ahaa.

“Waa ku Faraxsanahay Xilka leyga qaaday waana soo dhoweynayaa Insha Allaah markaan Dalka ku Soo laabtana waa wareejinayaa” ayuu qoraalkiisa ku yiri Agaasimihii hore ee Golaha Murtida iyo Madadaallada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Idaacadda Kulmiye warkaasi been abuurka ah ay u hoos geliyeen xubno ka tirsan madaxtooyada kuwaasi oo mucaaradsan Xasan Cali Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com