Dagaal u dhaxeeya FIQI iyo Yariisow oo maanta mar kale ka qarxay facebook

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal u dhaxeeya guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Injineer Cabdiraxmaan Yariisow iyo xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa mar kale maanta ka qarxay baraha bulshada.

Markii ay soo baxday in Hanti Dhowraha Qaranka uu xayiray Akoonadii Maamulka Gobolka Banaadir isla markaasna lagu eedeeyey Gobolka Banaadir inuu diiday in baaritaan lagu sameeyeo ayaa waxaa arrintaas kasoo hadlay Xildhibaan Fiqi, waxayna aheyd bilowga dagaalka ka dhex qarxay labadaan mas’uul.

Fiqi oo weerarka billaabay ayaa facebook soo dhigay:

“Canshuurta Magaalada MUQDISHO intii ay jeeb xun geli lahayd ama si xun loo adeegsan lahaa, ama minishiibiyada qorayaha loo dhiibay ay hal dollar keen qof ku dili lahaayeen, mar haddii la diiday isla xisaabtankii iyo daahfurnaantii, inta isla xisaabtanku uu dhamaanayo walba shacabka xoolahooda haloo baajiyo.

Tallaabada uu hantidhowruhu qaaday dadka MUQDISHO waa Soo dhoweynayaan, ciddii diida isla xisaabtanna waxaa la leeyahay “wax la qariyo qurun baa ku jira”.

Guddoomiyaha Gobolku waa inuu ogolaadaa isla xisaabtanka iyo xisaab celinta, maadaama uu yahay Guddoomiye Villa Somalia laga Soo magacaabo, wax cudurdaar uma helayo canshuurta uu shacabka Xamar ka aruuriyo inaan lagu xisaabin.”

Waxaa kadib weerar duco ku dhammaaday kusoo jawaabay Yariisow oo yiri:

“Waxaa nasiib daro ah in Xildhibaan Ahmed Moallim Fiqi uu yiraahdo waxaa lagu noqonayaa 1991dii, halka aan annagana u taaganahay horumarka dalka oo aan dhalinyarada u diyaarineyno mustaqbal wanaagsan oo leh Nabad iyo Nolol. Fiqi Alle ha noo hanuuniyo si uu xaqa iyo horumarka dalka u arko. AAMIIN”

Fiqi ayaa mar kale Yariisow ugu jawaabay:

Fallaartani gilgilisho kaagama harayso mudane Guddoomiye

Guddoomiye Abdirahman Omar Osman Yariisow waa dadaalay laakin tani ma ahan wax lagu difaaci karo diidmadaada In la xisaabiyo canshuurta shacabka gobolka Banaadir ay minishiibiyada aad qoryaha u dhiibtay, dharka ciidankana loo geliyey ay kaaga aruuriyaan.

Canshuurta wax adeeg ah looguma qabto dadka laga qaado, In la ogaado jeebabka ay gasho iyo musuqa lagu bixiyo waa lama huraan, waxaana dhamaaday waqtigii maaweelada caruurta iyo isla xisaabtan la’aanta..

Waxa fiican Mudane Guddoomiye In aad jawaab ka bixiso warqadda hantidhowraha qaranka iyo eedaynta laguu Soo jeediyey ee ah inaad diiday xisaabcelintii canshuuraha gobolka Banaadir laga qaado, wixii kale oo aad sheegayso waqtigeeda iyo munaasabadeeda.

Waa markii labaad oo labadaan Mas’uul uu dhexmaro dagaal dhanka Facebook-ga, waxaana la xasuustaa in hadda ka hor ay sidaan camal dhacday kadibna ay labadaan Mas’uul heshiiyeen markii ay soo kala dhex galeyn mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com