Sawirro qurxoon: Farmaajo oo maanta booqday ardayda dugsiyada hoose iyo dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray Imtixaanaadka Dugsiyada Hoose Dhexe ee Dalka ayaa tilmaamay in Dowladdu ay dadaal muuqda gelisay dib u soo nooleynta waxbarashada dowliga ah.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda dugsiyada dowliga ah iyo ardayda dhigata waxa uu ka dhageystay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Faysal Cumar Guuleed, iyadoona uu faray Xukuumadda in ay ka shaqeyso sidii ay ugu hirgelin lahayd dhammaan muwaadiniinteenna fursado waxbarasho oo tayo leh.

“Waxbarashadu waa aasaaska qofka bini aadamka ah. Muhiimad weyn ayey noo leedahay in ubadkeenna aan u sameyno fursado waxbarasho oo tayo leh, mana ahayn maanta in aabbe iyo hooyo Soomaaliyeed ay ka walwalaan waxbarashada ubadkooda.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waqti kooban la qaatay ardayda dugsiga Wiil-waal, kuwaas oo u fadhiyey imtixaanka Hoose Dhexe, waxa uuna kula dardaarmay in ay rumeeyaan rajada qoyskooda iyo midda Qaran ee laga sugayo.

Dhankooda, Ardayda uu booqday Madaxweynuhu ayaa uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyay in kormeer iyo qiimeyn uu ugu yimaado, waxa ayna sheegeen in dardaarankiisa iyo dhiirri gelinta uu u sameeyey ay qiimo weyn u leedahay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa kormeerkan ku weheliyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Faysal Cumar Guuleed.