Saraakiil ka tirsan ciidanka Somaliland oo lagu dilay gobolka Sanaag maanta

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka aanu ka helayno Gobolka Sanaag ayaa sheegay in deegaanka Gar-Adag lagu dilay Labo Taliye oo katirsan degmadaasi.

Labadan Taliye ee la dilay ayaa kala ahaa Taliyihii Xabsiga Gar-Adag iyo Taliye ku xigeenkii Rugta Booliska degmada.

Sida ay Caasimada Online ku helayso wararka, Labadan Taliye ayaa waxa maalmihii u dambeeyay soo wajahday cabsi, kuwaasi oo dhuumasho kaga baxayey Magaalada Gar-Adag intii aan la dilin.

Dilkan Taliyayaasha ayaa wuxuu daba socday kadib markii uu shalay xabsiga Ceerigaabo ku dhex dhintay Maxbuus lagu soo qabtay maan-dooriyaha Khamriga.

Wararka kale aan helayno ayaa sheegaya in labadan taliye ay dilkooda ka dambeeyen Koox Meelishiyaad beeleed ah, kuwaasi oo ka soo jeeda reerka uu ka dhashay Maxbuuskii shalay ku geeryooday xabsiga Ceerigaabo.

Labadan Taliye ayaa kasoo jeeda gobolada galbeedka Somaliland gaar ahaan Gobolka Awdal, iyada oo labadooduba ay yihiin Habar Cafaan.

Taliyihii Xabsiga Gar-Adag, waxa uu kasoo jeeda beesha Xeeb-jire, Halka Taliye ku xigeenkii Rugta Booliska uu isagna kasoo jeedo beesha Reer-Xaamud.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com