Abwaan Naciima Qorane oo xabsiga laga sii daayey

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweeynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxa uu cafis ufidiyay Naciimo Abwaan Qorane oo ah gabar abwaanad ah oo dhawaanahan ku xireed xabsi ku yaalla magaalada Hargeeysa.

Naciimo Abwaan Qorane ayaa xabsiga la dhigay xilli ey kasoo laabaneeysay magaalada Muqdisho waxaana ciidamada Booliska Somaliland ey ka qabteen garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeeysa.

Maxkamad ey Somaliland leedahay ayaa gabadhan dhawaan ku xukuntay Sadax sano oo xarig, kadib eedeeymo la xiriira dhaawac ey ugeestay madaxbanaanida Somaliland oo lagu soo edeeyay

Xabsiyada Somaliland waxaa ku jira xilligan dad aa tiro yareeyn oo loo heesto fal lamid midka Naciimo lagu eedeeyay oo kala ah, waxaana dadkaa ugu caansan Boqor Buurmadoow oo xilligan xiran.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com