3 kun oo arday oo jajabisay 3 iskuul oo Muqdisho ku yaal, sabab yaab leh darteed

Muqdishxo (Caasimadda Online) – Degmada Dharkeynley ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay banaanbax ay dhigeen qaar ka mid ah ardeyda wax ka barata dugsiyada sare ee Degmada.

Rabashadaas ayaa ka dambeysay kadib markii Macalimiinta Imtixaanka qaadeysay dhowr Iskuul oo lagu galayay oo ku yaalla degmada Dharkenley ay sheegeen in qish lagu arkay imtixaanka,isla markaana uu magalada galay.

Qaar ka mid ah Ardayda oo aan la hadalnay balse diideen in Magacooda iyo codkooda in Warbaahinta loo adeegsado ayaa waxa ay sheegeen in Maanta hal maado kaliya ay ku galeen Saddex iskuul oo ku yaalla Dharkenley,sidoo kalena loo sheegay in maadooyinka kale la badalayo.

Ardeyda ayaa ka cabanayay Imtixaan ay Qishkiisa heleen oo la beddelay,waxaana ay bur burin kula dhaqaaqeen iskuullada ay wax ka baranayeen oo gaaraya ilaa saddex Iskuul.

Mid ka mid ah Macallimiinta Ardeydaas oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in qaar ka mid ah Macallimiinta ay wax yeello soo gaartay iyada oo sidoo kale ardeyda ay bur buriyeen qalabkii iskuullada.

Macallinka la hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in Ardey gaareysa ilaa 3,000 oo Ardey ay falkaas ku dhaqaaqeen,iyada oo uu intaas ku daray in Iskuullo kale ay damacsanyihiin.

Iskuullada ilaa hadda ay waxyeellada soo gaartay ayuu ku kala sheegay Dhame Yaasiin Cartan,Maxamuud Axmed Cali iyo Dugsiga Dharkeynley lagu magacaabo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com