Xildhibaanada Somalia oo ansixiyay xeerka lagu aas aasay baarlamaanada Midawga Africa

Muqdisho (Caasimadda Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay  Xeerka lagu Aasaasay Midowga Africa ee Khuseeya Midowga Baarlamaanada Afrika, xeerkaas oo shalay ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukumadda Fedraalka Soomaaliya.

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay xeerkaas oo sanadihii dambe mugdi gelinayay ka mid ahaanshaha Midowga Baarlamaanada Afrika, Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo Baarlamaanka ka hor akhriyay natiijada ayaa sheegay in si deg deg ah loo hor geyn doono shrcigaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

141-Mudane ayaa ogolaaday xeerkan, waxaana ka aamusay 3-Xildhibaan, sidaas ayuuna ku meel maray, sida gudoonka golaha shacabku sheegeen.

Xeerkan ayaa shalay Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay ansixiyeen, ka dib markii uu horgeeyey Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka, mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Dhankale xubnaha Baarlamaanka ayaa isku soo qaaday in ay lacago ugu yaboohaan kumanaanka qoys oo ku dhibaateysan gobolada dalka kuwaas oo kabarakacay fatahaadaha ay sameeyeen Wabiyada Jubba iyo Shabeele.

Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxaan ayaa markii ugu horeeyay maanta shir Guddoomiyay  kulankii  Baarlamaanka Soomaaliya kaas oo ka dhacay xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com