Xog cusub: Xaqiiqooyin ku aadan qaabka DF loogu haysto €90.6m

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda federaalka ah, isla markaana ka mid ahaa dadkii wax ka ogaa bilow ilaa dhammaad heshiiska 6da markab ee ay dowladda federaalka ah la gashay shirkadda AMOSC, isla markaana magaciisa qariyay ayaa sheegay in heshiiskaas uu jiro, loona galay baahi jirtay, welina jirta  isaga oo intaasi raaciyay in heshiiska muhiim u yahay in ay ciidamada badda helaan maraakiib, tababar iyo aqoon ay ku ilaaliyaan baddeena.

Qoraallo cusub oo aan helnay waxaa ku cad in wasaaradda gashaandhigga ay casuumaad u dirtay shirkadda AMOSC June 9, 2016 si saraakiisheeda Muqdisho u yimaadaan, oo wadatashiyo u sameeyaan, laakin kulankan ma dhicin.

Dhinaca kale, Kulan ay wasaaradda gashaandhigga la qaateen  June 13, 2016 guddi qiimeynta oo ka kooban wasiirka maaliyadda, xubno ka socday  xafiiska madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha 9 xubnood oo kale oo ay ku jiraan Bangiga adduunka, IMF iyo Bangiga horumarinta Afrika ayaa laga soo saaray qoraal.

Qoraalkan oo lagu faah-faahiyay wixii kulanka ka dhacay waxaa uu so baxay August 30, 2016, wasaaradda gashaandhigga waxaa ay guddigan u sheetay in shirkadda AMOSC ay wasaaradda kusoo wargelisay in aanu heshiiska sii socon karin,  isla markaana uu dhintay, balse muuqaal aan aragnay waxaa u jiray in bil kadib uu xarunta shirkadda booqday Dr. Ali Said Faqi isaga oo sheegay wladda maalgelin raadineyso.

Isla arrintaas  su’aal aan ka weydiinay hirkadda AMOSC , in dowladda federaalka ah ku dhaheen heshiiska waa ka baxnay iyo in kale?  shirkadda arrintaas waa inkirtay, iyaga oo intaasi raaciyay in heshiiska uu dhaqan galay markii la saxiixay, isla markaana ay xaqooda waddo sharci ah ku raadsanayaan.

Isha: Goobjoog