CC Shakuur: Haddii 2 qodob oo ka mida dastuurka la dhowrayo, Farmaajo madaxweyne ma ahaadeen

Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiga mucaaradka ah ee C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay booqashadii uu madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ugu tegay sarkaalkii ONLF oo dowladda Soomaaliya ayu dhiibtay Itoobiya C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.

Siyaasiga ayaa sheegay inuu u mahad celinayo Madaxweynaha Jubbaland Sheikh Axmad Madoobe booqashada uu ugu tegey iyo dadaalka uu ugu jiro sii daynta Qalbidhagax, isagoo ku bogaadiyey tallaabada uu qaaday ee ah inuu arko Qalbi dhagax.

“Waan uga mahad celinayaa Madaxweynaha Jubbaland Sheikh Axmad Madoobe booqashada uu ugu tegey iyo dadaalka uu ugu jiro sii daynta Qalbidhagax.

Siyaasiga ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in hadii lagu dhaqmi lahaa qodobo ka mid ah Dastuurka dalka in Madaxweynaha Soomaaliya uusan dalkaan Madaxweyne ka ahaan laheyn.

 “Haddii dastuurka la dhowrayo iyo sharciyada dalka u yaala gaar ahaan qodabka 36aad ee Dastuurka iyo qodobka 11aad ee xeerka Ciqaabka Soomaaliyeed, Farmaajo maanta dalka Madaxweyne kama ahaadeen..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo madaxweyne Farmaajo ku weeraray inuu jebiyay dastuurka dalka u yaalla.

Labada Qodob ayaa ka hadlaya xuquuqda qofka Muwaadinka ah iyo isu celinta maxaabiista, iyadoo aanu ku jirin qodob ka hadlaya ujeedka siyaasiga u soo qaatay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com