C/Wali Gaas: Wax waliba oo aan sameeyaa waxaan ku sameeyay ogaal iyo ku talla gal

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa sheegay in dalalka carabta uu Heshiisyo la galo isagoo ogaalkiisa qaba.

Gaas, waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu garanaayo wixii dani ugu jirto maamulkiisa, hase ahaatee uusan la yaabeynin dhinacyada kasoo horjeeda xiriirka Puntland iyo dowladaha kale.

Waxa uu tilmaamay in Heshiisyo uu la galaa dowlado kale aysan ka turjumeynin inuu yahay ‘’dhibwade’’ balse ay muujineyso Horumar, sida uu hadalka u dhigay.

‘’Anaga oo la socna xaalada jirta ayaan galnaa Heshiis, dabcan weynu garaneynaa waxa noo dawo ah, Puntland danteeda looma tilmaamaayo’’

Gaas, ayaa tilmaamay in Madaxda dowlada iyo kuwa Maamul Goboleedyada ay mas’uuliyad kawada saaran tahay dalka, sidaa aawgeed ay doonayaan inay muujiyaan kaalin tooda.

Sidoo kale, C/wali Gaas ayaa tilmaamay in Puntland ay horay uga fiirsatay wixii dani ugu jira, hase ahaatee iminka ay doonayaan inay ka shaqeeyan horumarkooda.

Haddalka C/weli Gaas ayaa u muuqanaaya mid daba socda dhaliilo dhawaan loo jeediyay oo la xiriirta in Heshiisyo lid ku ah dowlada Somalia uu lasoo galay dowlada Imaaraadka carabta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com