Abwaankii Soomaaliyeed ee la diriray dowladihii DALKA soo maray kahor 1990-kii

By Caasimada Online

Cabdi Muxumed Amiin wuxuu noloshiisa dhammeystay isagoo halgan ugu jira sidii ay Soomaaliya dhibka uga bixi laheyd!

Waa kuma Cabdi Muxumed Amiin?

Abwaan Cabdi Muxumed Amiin wuxuu ahaa mufakir, jilaa, fannaan iyo abwaan ku caanbaxay curinta heesaha iyo riwaayadaha waddaniga ah. Wuxuu ku dhashay magaalada Gabiley, sannadkii 1935. Wuxuu ahaa iskoris soo harjaday.

Wuxuu ku soo barbaaray magaalooyiinka Jigjiga, Diridhabe iyo Muqdisho. Wuxuuna xubin ka ahaa garabkii dhallinyarada xisbigii SYL ee Horseed kaas oo riwaayado uu u curin jiray. Sannadkii 1958 ayuu fanka billaabay.

Wuxuuna laf dhuungashay ku noqday dowladihii dalka soo maray, oo mar kasta wuxuu si aan ka leexleexad laheyn uga run sheegayay xaaladdii uu dalku marayay. Sababtaas ayaana xabsi loo dhigay sanadihii 1964 iyo 1989.

Cabdi Muxumed iyo Dowladihii Riyadka

Soomaalidu waxay aheyd dad reer guuraa ah oo aan dowladnimo fahamsaneyn. Dadkii hoggaanka u ahaa halgankii gobannimo-doonkuna waxay shacabka ku kicin jireen in wax kasta gumeystuhu ka heysto, oo barwaaqo afka lala galayo haddii xurnimo la helo.

Beled iyo baadiyaba, si aan kalahar laheyn ayay Soomaalida ugu istaagtay in ay iska dulqaaddo gumeystihii. La mood, noqose waysaye; markii Soomaaliya noqotay dowlad madaxbannaan wax weyn iskama bedelin noloshii dadka.

Labo sano ka dibna waxaa billowday guux lagu saluugayay Dowladdii Riyadka. Waa halkii laga kala yiri:

  • “Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye” Axmed Diiriye Qaasim.
  • “Bal muxuu micneeyoo i taray ministarkaan doortay?” Aadan Carab.
  • “Good iyo abees baa is beddelay garanna maysaane” Guhaad Cabdi Gaheyr.

Markaas Cabdi Muxumed wuxuu dareensanaa in hanaqaadka dowladda uu waqti qaadanayo, wuxuuna sannadkii 1962, curiyay maansada “Geeddiga wadaay” oo uu ku guubaabinayay hoggaankii dalka.

Wuxuu kaalin weyn ka qaatay dagaalkii 1964, dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, oo wuxuu curiyay heeso uu ku guubaabinayay ciidankii qaranka.

Geelna waa galgashaa, ragna waa is gaddiyaahe; Cabdi Muxumed wuu ka niyadjabay hoggaankii dowladda.

Sannadkii 1964 ayuuna curiyay heeska ‘Kuwa daanka buuxsaday’ oo doorashadii Baarlamaanka ee 1964, uu dadweynaha ugu baaqayay in aysan dooran musharrixiintii xisbiga SYL.

Sababtaas ayayna dowladdii u xirtay Cabdi Muxumed sannadkii 1964.

Markii ay billowdeen ololihii doorashada Baarlamaanka ayuu mar kale, sannadkii 1968, allifay heeska “Kuwii horay i noo gubay” oo uu mar kale shacabka uga digayay in ay doortaan musharrixiintii xisbigii Leegada.

Habeenkii Xurriyadda 1dii Luulyo ee 1969, Cabdi Muxumed Amiin, Saynab Cali Baxsan iyo Axmed Naaji Sacad, waxay Tiyaatarka ka qaadeen heesta “Allaahu Akbar” oo uu isagu curiyay, uuna madaxdii dalka ku xusuusinayay halgankii xurnimada loo galay, filashadii shacabka iyo sida ay ugu hungoobeen dowladda.

Cabdi Muxumed iyo Dowladdii Kacaanka

Markii ay askarta afgambiga ku qabsadeen dalka ee ay sheegeen in ay soo afjarayaan musuqii iyo qabyaaladdii lagu eedeyn jiray dowladihii riyadka, Cabdi Muxumed wuxuu Kacaanka u arkayay in uu yahay hayaankii Soomaaliya barwaaqada geyn lahaa.

Wuxuuna tiriyay maansada “Xaaraan quutayaashii” oo uu kacaankii uga mahadcelinayay in ay afgembiyeen dowladdii uu maamul-xumada ku dhaliilayay.

Sannadkii 1971, wuxuu Maxamed Siyaad Barre u sameeyay heestii “Caynaanka haay” ee ku billaabanaysay:

“Waddadii caddeyd

Cagta saarnayee

Ku carraabiyoo

Cimrigiis jiryow

Caynaanka haay”

Sanadihii hore waxay dowladdii kacaanku la timid waxqabad lagu bogaadiyay, balse wixii ka dambeeyay dabayaaqadii todobaatameeyadii waxaa dhaqan u noqday “musuqii iyo qabyaaladdii” lagu eedeynayay dowladihii riyadka.

Candhuuftiisa ayuu dib u liqay, wuxuuna noqday kacaan-diid aan fikirkiisa la gamban.

Sannadkii 1981, wuxuu sameeyay riwaayadda Muufo oo uu ku soo bandhigay baahidii shaqaalaha dowladda, uuna ku dhaliilay hoggaankii Kacaanka.

Rag caddaalad waayay sidii cawsha kala yaaca waa tii la yiriye; markii ay u cuntami wayday siyaasad-xumadii Kacaanka ayuu go’aansaday in uu jabhadeyn xal ku baadigoobo.

Isagoo magaalada Harar joogo ayuuna sannadkii 1981 curiray heeska ‘Caynaanka daa’ oo uu Maxamed Siyaad ugu baaqayay in uu xukunka wareejiyo. Wuxuu ku maansooday:

“Waddii caddeyd

Cirif dhaaftayoo

Cayn kale u rogtee

Cimrigiis dhacyow

Caynaanka daa”

Cabdi Muxumed iyo jabhadihii dagaalka

Cabdi Muxumed wuxuu ku biiray jabhaddii SSDF. Wuxuuna curiyay suugaan uu ku wacyigelinayay ciidankii jabhadaha.

Waxa kaliya ee jabhaduhu ka mideysnaayeen waxay aheyd in Maxamed Siyaad xukunka laga tuuro, balse uma qorsheysneyn waxa xigi doona haddii la guuleysto.

Sannadkii 1983, wuxuu tiriyay heeska ‘Halgankeennu waa labo’ oo uu ku guubaabinayay jabhadaha, uuna ku aftiiminayay farqiga u dhexeeya dowladda iyo dowladnimada, uguna tilmaamayay waajibka saaran iyo himilada halganka.

Jabhadihii dheg jalaq uma siinin wacdigii iyo waanadii Cabdi Muxumed, waana lagu colaadiyay. Isaga iyo labo saaxiibbadiis ah ayaana habeen Diridhabe lagu weeraray.

Bartii ayaa lagu dilay Cabdiraxmaan Caydiid iyo Iikar Xaaji Maxamed Xuseen Xaamud, isagana meyd ahaan ayaa looga tagay, mase dhimanin ee wuu dhaawacmay.

Markii uu bogsaday ayuu allifay heeska “Maxaan hog abeeso galay” oo uu uga warramayay niyadjabkii uu kala soo kulmay jabhadaha. Wuxuu ku heesay:

“Maxaan hog abeeso galay

Maxaan halaqyo ugu tagay

Maxaan geerida ka haray

Kuwii hiil iigu xigay

Hareertey maxaan ka dayay

Maxay ilmadu hibiq i tiri”

Cabdi Muxumed oo Muqdisho dib ugu soo laabtay

Markii uu jabhadaha naftiisa kala baxsaday wuxuu tagay magaalada Cadan ee dalka Yaman, sannadkii 1984. In uu dibadaha wareego ayaa u cuntami wayday, wuxuuna sannadkii 1986, go’aansaday in uu dalka ku soo laabto.

Jabuuti ayuu Maxamed Siyaad Barre kula kulmay, wuxuuna u sheegay in uu doonayo in uu dalkiisa ku noqdo. Maxamed Siyaad wuu soo dhoweeyay, diyaaraddiisii ayuuna ku soo qaaday.

Markii uu Muqdisho soo galay ayuu booqday hoteelkii Jubba. Wuxuu arkay hoteelkii ugu weynaa, uguna quruxsanaa Muqdisho oo cidlo ah oo ay deggan tahay Xaliimo Khaliif Magool oo kaliya, lana burburay maamul-xumadii jirtay.

Sannadkii 1987 ayuuna curiyay heesta Jubba oo ay ku sheekeysanayaan isaga iyo Jubba oo dayac ka cabanaya.

Sida uu Cabdi Muxumed ku sheegay wareysi ay BBC la yeelatay, wuxuu yimid dalka oo sicirbarar ka jiro. Muqdisho oo biyaha iyo korantaduba ciriiri ku yihiin iyo shacabka oo safaf ugu jira mucaawino dibadda laga keenay; halka ay magaaladu la ciirciiraysay gawaaridii qaaliga aheyd ee Laankaruusarka oo ay ku socdeen madaxdii dowladda iyo qoysaskoodii.

Markaas ayuu sannadkii 1989, curiyay heesta Laankaruusar oo uu ku sawirayay noloshii Xamar ka jirtay.

Heestaas waa laga kala cabsaday oo fannaan ku luqeeyo ayuu waayay. Maamulihii Tiyaatarka Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo hadda ah Guddoomiyaha Aqalka Sare (2016-2021), ayaa Saado Cali Warsame ku qanciyay in ay heestaas ka qaaddo xaflad sanadguuro ahayd oo ay Wasaaradda Warfaafinta ku dhiganaysay Tiyaatarka, oo uu soo xaadirayay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Saddex jeer ayay dadweynuhu codsadeen in heestaan loo biiso, wuxuuna noqday canjalkii loogu iibsiga badnaa, maadaama uu taabanayay noloshii dadweynaha. Waa heestii ku billaabanaysay:

“Waa maan gurracan iyo garasho jaan

Laankuruusar gado oo soo bari galley”

Maxamed Siyaad wuxuu amray in la xiro Cabdi Muxumed iyo Saado Cali. Xaruntii Nabadsugidda iyo Godka-Jilicow ayayna ku kala xirnaayeen ilaa 1990.

“Cabdi Muxumed wuxuu ahaa nin waddani ah oo noloshiisa u huray sidii ay umadda Soomaaliyeed uga bixi laheyd dhibaatada. Wuxuu ahaa nin aan talada ka masuugin in uu madaxda Soomaaliyeed u sheego danta umadda meesha ay ku jirto. Cabdi wuxuu taariikhdiisa ku dhammeystay isagoo halgan ugu jira sidii ay Soomaaliya dhibka uga bixi laheyd.” Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidaa yiri.

Burburkii ka dib iyo Cabdi Muxumed Amiin

Kalahaadkii Soomaaliya ka dib, wuxuu kaalin ka qaatay shirarkii dib-u-heshiisiinta. Wuxuuna allifay 5 album oo uu nabadda ku baadigoobayay Soomaaliya.

Wuxuuna ka mid ahaa aasaaseyaashii ururka Qalinleyda Soomaaliyeed ee SomaliPen oo uu guddoomiye uga ahaa Koofurta Soomaaliya.

Burburkii ka dib dalka kama tagin ee Muqdisho ayuu ku noolaa. Sannadkii 1992, isagoo joogay magaalada Moscow ee dalka Ruushka ayuu curiyay heesta ‘Dalxiis kaagama imaan’ ee ay qaaddo Faadumo Qaasim Hilowle, dhextaalkeeduna ahaa:

“Dalkegow dushaadu waa barwaaqee dalkeygow

Dalkeygow dabeyshaadu waa udgoon tahay dalkeygow

Dalxiis kaagama imaannine dalkeygow

Meel aan kugu doorsanaayaa

Miyay dunidaba ku taallaa dalkegow?”

Dhaxal iyo taariikh aan duugoobeyn ayuu ka tegay. Sannadkii 2006, waxaa dalka Sweden lagu daabacay buugga Diiwaanka Hilin Hayaan oo uu abwaanka ku uruuriyay suugaantiisii.

Mafakir aan guulwadeynin oo aan aragtiisa la gambanin ayuu ahaa. Muddo nus qarni ah oo uu baadigoobayay dowlad u heellan danta dadkiisa iyo dadkiisa, uuna taageere u ahaa cid kaste oo uu u arkayay in ay riyadaas ka dhabeyn kartay ka dib, ayuu isagoo 73 sano jir ah, wuxuu bishii November 3, 2008, ku geeriyooday laguna aasay magaalada Nairobi.

Wuxuuna ifka uga tegay 3 wiil iyo 5 gabdhood. Eebbe ha u naxariisto abwaan Cabdi Muxumed Amiin.

W/Q: Xuseen Sabriye