AC Milan oo Janaayo 20 milyan ku dooneysa Mario Balotelli.

Kooxda Talyaaniga AC Milan ayaa cadeysay inay Janaayo 20 milyan oo ginni kula soo saxiixaneyso weeraryahanka kooxda Manchester City Mario Balotelli, waana si kazoo horjeeda sida uu doonayo tababaraha Manchester City Roberto Mancini.

Madaxweynaha kooxda Milan Silvio Berlusconi ayaa wuxuu amar ku siiyey ku xigeenkiisa Adriano Galliani inuu lasoo saxiixdo Balotelli oo uu taageere u yahay, wuxuuna doonayaa inuu ciyaaryahankii hore ee Inter Milan dib ugu soo celiyo San Siro, xilli ay Milan qorsheyneyso inay wadahadalo toos ah la galaan milkiilayaasha City ee u dhashay dalka Abu Dhabi iyo wakiilka ciyaaryahanka Mino Raiola.

Taas ayaa kasoo horjeesaneysa Mancini oo lasoo werinaayyey inuu doonayo inuu xidigaani baaqi kusii ahaado England.

Balotelli ayaa seegay kulankii City ay 1-0 ku garaacday Reading, Mancini ayaa kulanka ka dib yiri: “Mario wuu xanuunsanayaa. Ma garanayo xilliga uu diyaar noqon doono. Hal isbuuc sidaan ayuu u xanuunsanaa. Shalay tababarka ayuu yimid sababtoo ah wuxuu doonayey inuu tababar qaato laakiin wuu awoodi waayey. Laakiin waan ku booqan waayey gurigiisa. Waana wax aan macquul aheyn.”

Waxaa lasoo sheegayey inuu Balotelli xiriiri aan wanaagsaneyn kala dhexeeyo Mancini, iyo milkiilaha City Sheik Mansour iyo gudoomiye Khaldoon al Mubarak.